Hargaysa (HP): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL d/hose ee caasimadda Hargeysa Ururka Sefa iyo Arday ka qalin binaysa Jaamacada Gollis ayaa maanta dooxa weyne Hargeisa ka bilaabay dhir beeris.
Barmaamijkaasi oo ay Ardaydaasi ku Beeraayeen Dhir fara badan magaciisana ay u bixiyeen qalin jebi oo Geed beer.
Waxaana barnaamijkaasi oo saka la fuliyay lagu beeray dhir gaadhaysa 500 oo geed oo ah geedka loo yaqaano Gobka.
Munaasibadaasi waxaa ka qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka C/kariin Aadan Cade, maayarka Hargaysa, xubno ka socday ururka Sefa, iyo ardaydaasi ka qalin jebiyay jaamacadda Golis.
Waxaana ilaalintiisa Qaybweyne ka Qaadanaysa Dawlada Hoose ee Hargeisa.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.