Hargaysa: Saddex Qof oo Ku Dhaawacmay Rasaas Uu Nin Ku Furay

0
545

Hargeysa (Hargeisa Press)- Inta la xaqiijiyay saddex qof, ayaa ku dhaawacmay kadib markii uu caawa nin Tacshiirad ku furay dad meel fadhiyay, xaafadda Qudhac-dheer ee degmadda Maxamed Mooge, ee magaaladda Hargeysa.

Ninka Rasaasta ku furay raggaasi oo aan haybtiisa la aqoonsan ayaa goobta isaga cararay markii uu tacsgiirada furay kadib.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog ahaa, ninka toogashadda gaystay ayaa madaxa soo duubtay, iyadoo rasaastaasi uu ku furay raggaasi ay saddex ka mid ahaa ku dhaawacmeen.
Dadkan dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ahaayeen Gaadhka ama ilaaladda meheradaha ku yaalla xaafadaasi uu shilku ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo ay haayadaha amaanka Somaliland ka soo saareen dhacdadaasi oo caawa fiidkii dhacday.

Saddexda qof ee tacshiiradaasi ku dhaawacmay, ayaa loola cararay cusbitaalka oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Dhinaca kale, waxaa caawa fiidkii xaafadda New Hargeisa ka dhacay mudaharaad aan weynayn oo ay sameeyeen taageereyaasha xisbiyadda mucaraadka ah ee UCID iyo Waddani.

Dadkii banaanbaxaasi dhigayay ayay kala dareeriyeen ciidamadda amaanku, kuwaasoo ay rasaas ku kala dareeriyren boolisku.

Mudaharaadyadani, ayaa qayb ka ah balan qaadkii guddoomiyeyaasha xisbiyadda mucaaradka ee ahaa in ay sii wadayaan mudaharaadyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here