Madaxweynaha Soomaaliya oo Baaq U Diray Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyadda

0
609

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan rabshadihii ka dhacay Somaliland.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xasuusiyay madaxda Somaliland inay soo celiyaan dhaqankii lagu yaqaanay ee ahaa inay si iskood ah u xalliyaan tabashooyinka dhex yimaadda.

“Waxaad ku faantaan, annaguna aan idinkula faraxsannahay oo aan idinkula faanno ayaa ah, in Soomaalidu intay meel keligeed fadhiisato, ay keligeed heshiin karaan, Tusaale ayaan idiin soo qaadanaa.” ayuu yidhi madaxweyne Xasan, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey

” [Somaliland] iyagaa Amuurohooda xallista, iyagaa keligood meel fadhiistay, iyagaa ku heshiiyey, iyagaa ku dhaqmay, iyagaa ku bullaalay ayaan dhahnaa, waa tusaale ka suuragala Soomaalida oo dhan, inay sidaas yeelaan ayaan dhahnaa, Maanta faankaa hore iyo magacaa hore ee aad sababta u ahaydeen, yaanu innaga wada hallaabin, dhibaatadu keligiin idinku koobmi mayso ee Soomaali oo dhan ayay wada gaadhaysaa” ayuu sii raaciyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland inay si nabad ah u xalliyaan khilaafka haatan taagan, oo ay ka hortagaan inay u baahdaan in cid debedda ahi soo farogeliso.

“Walaalayaaloow ha gaadhina meel debedda la idinka soo faro-geliyo, meelaad u baahataan in Soomaali kale ay idiin timaaddo, ama uu ajnebi inuu idiin yimaaddo, ha gaadhina, waxa keliya ee aad uga baaqan kartaan ayaa ah inaad wada fadhiisataan oo aad heshiisaan” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY