Hargaysa: Madax Dhaqameed Ka Hadlay Xaaladda Dalka Xukuumadana Taageeray

0
799
?

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madax dhaqameedka beesha Koonfurta Hargaysa ayaa war ka soo saaray xaaladaha maalmahan danbe dalka ka soo cusboonaaday ee u dhexeeya xukuumadda iyo beel ka mida beelaha Somaliland.

Madax dhaqameedka Ciidagale oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa waxaa hormood u ahaa suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, oo ah suldaanka guud ee beelaha Somaliland.

Waxaanay shaaciyeen in aanay beesha ay haybta wadaagaan ku raacsanayn in dalka dagaal iyo qalalaase la geliyo, isla markaana aanay marnaba ogolaan karin in ay dalka ka dhacaan waxyaabo nabadgeliyadda khal-khal gelin kara.

Salaadiinta beesha Koonfurta Hargaysa, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland in uu ku dedaalo ilaalinta iyo wada jirka bulshadda Somaliland.

Waxa kaloo ay  sheegeen madax dhaqameedkani in ay ka soo hor jeedaan wax kastoo dhibaato dhex dhigi kara beelaha Somaliland, isla markaana wax u dhimaya horumarka iyo wada noolaanshaha ummada.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Madax Dhaqameedka Beesha Koonfurta Hargaysa:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here