Deeqa Afro oo Ka Hadashay Sababta Ay U Codsatay In Geed La Saaro Marka Ay Dhimato

0
741

“Muuqaalka aan iska duubay ee aan ku lahaa geed hala isaaro wuxuu ahaa mid aan ugu talagalay oo aan sidaa ku sii daayay”, Fanaanada Deeqa Afro.

Hargeisa (Hargeisa Press)- Fanaanada Deeqa Aadan Muuse kuna magac dheer Deeqa Afro waa fannanad caan ah waxayna hore u qaaday heeso kala duwan oo qaar kood lagaga falceliyay si kala gedisan.

Deeqo Afro ayaa dhowr bilood ka hor soo saartay muuqaal ay kaga hadleysay sida ay rabto in la yeelo marka ay dhimato ka dib, kaas oo falcelin aad u kala duwan ka dhaliyay baraha Bulshada.

Muuqaalkii ay iska duubtay ee ay ku codsaneysay in aan la aasin ayey ku tidhi: “Waxaan codsanayaa in maalintii ilaahay i oofsado ee aan dhinto in aan wax qabri ah la ii qodin; in aan la i aasin. Arrintan waxaa ka fikirayay muddo aad u badan”.

“Adduunka dhul la’aan kama jirto. Waddan kastaa wuxuu leeyahay dhul badaan oo lama degaan ah. Dhul la dhigi karo maydka meeshii laga aasi lahaa”, ayay hadalka ku dartay.

“Anigu in la i aaso diyaar uma ahi; in kastoo rajo aad u fiican aanan ka qabin”, ayay tidhi.

Deeqa Afro ayaa sheegtay in arrintaas ay hore ugala hadashay Hooyadeed ayna ka diiday. Balse waxay dooneysaa in aanan la aasin.

“Waxaan aad iyo aad ula yaabaa dadka xabaala dadka kale. Mar alle marka uu qofka dhinto waxaad arkeysaa dad sidaa u soo kala ordaya oo majarafado iyo balaayo uun sita. Waxaan ku odhan lahaa naxariis darada iska daaya”, ayay Deeqo ku tidhi muuqaalka ay soo saartay.

Haddaba maxa Deeqo Afro hadalkaa ka keenay?

Deeqa Aadan Muuse waxay qirsan tahay in muuqaalka ay sameysay iyadoo og, ayna sidaa ku sii baahisay. Sababta ay u tidhi yaan la i aasin iyadoo sharaxaysay ayay sheegtay in “ay arrintaa jeclayd illaa yaranteeeda”.

Deeqa Afro ayaa sheegtay in weligeed halmar oo keli ah ay tagtay meel qabuura ah, waxayna raacday dhallinyaro ay saaxiibo yihiin oo hooyadood dhimatay, oo ay la aaday illaa qabuuraha.

“Anigo weligay maba ahayn dadka qabuuraha taga. Waan maqlay qofkaas baa dhintay laakiin weligeey meel qof lagu aasayo ma dul istaagin”.

Waxay intaa ku dartay: “Markaan arkay meesha la is dhigayo iyo qabrigii, shucuurteyda aad bey u kacday. Markaan gurigeyga imid, heesihii iyo wixii YouTube iigu jiray ayaan iska tiray, axaadiis iyo quraan ayaan la soo degay. Waxaan dareemay meesha qof kastaa ku dambeyn karo”.

Iyadoo sharaxeysa waxa ku kallifay hadalkaa waxay tidhi: “Waxa iga qasbay ee igu dhiirageliyay inaan dardaarmo waxay ahayd in maalin maalmaha ka mid ah, anigoo saran diyaarad nalagu wargeliyay in ay haleysan tahay, dib ayaana u noqonay”.

“Markii aan safarkaa ka soo noqday ee aan gurigeyga imid ayaan dardaarankaan duubay,” ayey hadalka ku dartay.

Miyay ka fikirtay waxa ka dhalan kara hadalkaas?

“In ayna suuragalayn in geed la i saaro oo aan la i aasin waan ogaa in ayna dhici karin, maskaxdeydana way ku jirtay, ha noqotee, waxay ahayd ku dey iyo usha agtiisa ku tuur”, ayay ku tidhi wareysiga ay siisay BBC Somali.

“Horta dhaqan muslim iyo dhaqan gaalo toona ma ahan kolley intaan ka ognahay. Anaanba yeelayn in meel la saaro”.

Balse Deeqa Afro waxay ku adkeysatay in ayna waxba u geysan diinta. “Ma aaminsani inaan diin wax u dhimay ama aan galay wax shirki ah, ilamey ahayn”, ayay tidhi.

“Anigu si fiican uma aqaano diinta laakiin Quraanka waan dhammeeyay, fasiraaddana ma garanayo, si wanaagsan oo daaciyad ahna ma ahi”, ayay tidhi mar ay ka hadleysay in muuqaalkeeda ay ku tidhi in “diinta ayna si wanaagsan u aqoon”.

Deeqa Afro ayaa sheegtay in qoyskeeda ay arki jireen iyadoo marwalba hadalkaas odhanaysa. “La yaab kuma ayna noqon ee waa wax ay ogayeen”.

“Qoyskeyga iskaba daayee, dadka aan is naqaano, asxaabteyda iigu dhow, way og yihiin”.

“Markii qof baa dhintay la igu yidhaahdo waxaan odhan jiray ‘alla walalayaalow aniga haddaan dhinto bal yaan la i aasin. Qofkii ugu horreeyay ee meel la saaro aan noqdo’ ayaan odhan jiray. Wax iyaga ku cusub ma ayna ahayn”, ayay Deeqo Afro tidhi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here