Hargaysa: Guddiga Waxbarashadda Qaranka Somaliland Oo Shir Yeeshay

0
176

Hargaysa (HP): Guddida Waxbarashada Qaranka Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan lagaga hadlayay tayaynta waxbarashadda dalka.

Kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa, waxaa shir-guddoominayey gudoomiyaha Guddigaasi Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, iyo xubnaha ku jira gudigaasi.


Waxa kaloo shirkaasi ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka waxbaradhada, agaasimaha guud, guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka iyo guddoomiyayaasha jaamacadaha Camuud iyo Hargeysa iyo agaasimaha Waxbarashada Tooska ee wasaaradda waxbarashadda.

Gudoomiyaha Guddida Waxbarashada Qaranka, ayaa la wadaagay xubnaha ajandaha shirka oo ahaa horumarinta iyo tayaynta imtixaanka fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalada 12aad ee dugsiyada sare ee dalka.

Intii kulanku socday waxaa si qoto dheer looga dooday horumarinta iyo tayaynta imtixaanka, iyadoo la xusay muhiimada ay leedahay in ay qayb ka noqdaan jaamacadaha dalku tayaynta Imtixaanaadka.

Hadaba gunaanadkii kulanka waxaa laysla qaatay qodobadan:

1. In la sii wado kulamada lagu lafo-gurayo horumarinta Imtixaanadka shahaadiga ah ee fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo 12aad ee dugsiyada sare.

2. In Jaamacadaha dalku qayb ka noqdaan horumarinta iyo tayaynta Imtixaanaadka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here