Hargaysa: Ciidanka Dab-demiska Oo Ka Warbixiyay Dab Ka Kacay Xaafadda State House-ka

0
407

Hargaysa (HP): Ciidanka dab-demiska caasimadda Hargaysa ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Dab xalay ka kacay xaafada State house ka magaalada Hargeysa.


Dabkaasi oo kacay xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay inuu gaystay khasaare hantiyeed oo kala duwan, inkastoo aan la sheegin wax dhimasho iyo dhaawac culus ah oo dadka soo gaadhay.

Markii uu dabkaasi kacay waxaa u gurmaday oo goobta gaadhay ciidanka Dab-demiska Hargaysa, kuwaasoo ku guulaystay in ay demiyaan Dabkaasi.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska JSL Axmed Sawaaxili, ayaa warbaahinta uga warbixiyay khasaaraha ka dhashay dabkaasi, iyo kaalintii ay ciidanka dab-demisku ka qaateen.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska warbaahinta eee ciidanka Dab-demiska.


Waxaanu u dhignaa sidan: “Ciidamada Dabdemiska oo uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa habeenimadii xalay u gurmaday dab weyn oo ka kacay kaamka xaafada Istaad hawska magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dabdemiska ayaa si degdeg ah uga hawlgalay dabkaas oo ahaa mid baaxad weyn halkaasi oo u dabku Qabsaday 18 Buul iyo 4 Jiingadood. Dabkan ayaana iyada oo ciidanku damiyay dabkii hore hadana uu kacay mid kale oo laxaad weyn.

Ciidamada ayaa dabkaa ka hakiyay boqolaal Guri oo kale kuwaasi oo ku yaala xaafadaas. Ma jirin dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay.


Ciidamada Booliska ayaa iyaguna hawlgalkaas nagala hawlgalay, waxaana baadhista sababta dabka gacanta ku haya ciidanka Booliska.

Taliyaha ciidanka Dabdemiska JSL oo halkaa ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay inay ka waantoobaan goobaha dabka ah ee ay ku soo buuqayaan, taasi oo ciidamadu ka shaqayn kari waayeen. Sidoo kale taliyaha ayaa si adag uga hadlay in la furo dariiqyo si gaadiidka dabdemisku u soo gurman karo, dabkana loo xakamayn karo.

Maayarka dawlada hoose Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Maayar xigeenka Khadar Axmed Nuur, Gudoomiye xigeenka gobolka Maroodijeex Khadar Baaruud iyo Gudoomiye xigeenka Qandaraasyada Qaranka Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa iyaguna hawlgalkaa goobjoog ahaa.

Waxaanay soo diyaariyeen cagafyo hadii dabka baaxadiisu sii weynaato lagu kala jaro.


Xaafadan oo ah goob isku raran ah ayna ku yaalaan boqolaal guri, kuna noolyihiin dadweyne fara badan ayaa marar badan dab ka kacay, taasoo ciidamada Dabdemisku ka hawlgaleen damiyeena dabkaas.

Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac 990 Telesom/ Somtel 24 ka saacadood.

Info.fire@sldgov.org
Cabdiwahaab Toox

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here