Nairobi: Dhalinyaro Reer Somaliland ah Oo Ka Galay Kulanka Isbedelka Cimiladda

0
607

Nairobi (HP): Waxaa dhawaan ka furmay jaamacadda Kenyatta, ee magaaladda Nairobi, ee dalka Kenya, dugsiga xagaaga ee u dhaqdhaqaaqida Cadaalada Isbedelka Cimilada.

Kaasoo ah hindise ay hormood ka tahay is-baahaysiga u dhaq-dhaqaaqa isbedelka cimiladda ee Barn Africa, isla markaana wada shaqayn la leh jaamacadda Kenyatta, ee magaaladda Nairobi, ee dalka Kenya.

Dugsigan waxaa loogu tallo galay inuu siiyo fursad ururadda, iyo dhalinyaradda u dhaq-dhaqaaqa arrimaha isbedelka cimiladda, si ay u wadaagaan waayo aragnimadoodda la xidhiidha arrintaasi.

Iyadoona qorshuhu yahay si dhalinyaradda looga qalabeeyo waxyaabaha ay uga baahan yihiin arrimaha isbedelka cimiladda.

Waxaana sanadkan ka qayb galay dad lagu qiyaasay 500 oo ruux, oo ka kala socday dalal badan oo caalamka ah.

Dadka sanadkan ka qayb qalay shirkaasi waxaa ka mid ah Maxamed C/laahi Yuusuf, oo ka mida dhalinyaradda reer Somaliland ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda.

Hadaba shirkaasi iyo u jeedadiisa iyo arrimihii sanadkan lagaga hadlay ayaa Maxamed C/laahi Yuusuf, isagoo ku sugan madasha shirkaasi ka socday waxa uu uga waramay weriye C/casiis Caydiid Cilmi (Yemeni), oo isaga laftiisu si gaara uga warama arrimaha deegaanka.

Halkan Ka Daawo Waraysigaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here