Bulsho TV Oo Raali-gelin Ka Bixiyay War Uu Hore U Baahiyay

0
425

Hargaysa (HP): Telefishanka gaarka loo leeyahay ee Bulsho TV oo xaruntiisu tahay magaaladda Hargaysa ayaa raali-gelin ka bixiyay war uu todobaadkan baahiyay.

Warkaasi oo ku saabsanaa cabasho ka soo timid ciidamadda qaranka iyo gadood ay sameeyeen ciidamadda qaranka Somaliland ee jiidaha Bariga dalka.

Raali-gelintan uu bixiyay Bulsho TV ayuu kaga jawaabayay digniin ay shalay u dirtay telefishanadda Bulsho iyo Horn Cable oo isna xaruntiisu tahay Hargaysa, kuwaasoo baahiyay warar xukuumadu ku tilmaantay in ay lidi ku ahaayeen ciidamadda qaranka Somaliland.

Warka digniinta ahaa ee ay shalay soo saartay xukuumadu oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland C/laahi Aadan Cumar (Wayab), ayaa lagu eedeeyay labadaas TV in ay ku gefeen una badheedheen jebinta xeerka saxaafadda Somaliland  ee xeer Lam.27/2004.

Sidaas darteedna TV-yadaasi uu xeerka saxaafadu ku waajibinayo sida ay u saxayaan khaladka ay sameeyeen oo ah in ay raali-gelin ka bixiyaan wararkii ay faafiyeen ee khaladka ahaa.

Bulsho TV ayaa isagu u hogaansamay inuu raali-gelin ka bixiyo warkaasi ay baahiyeen waxay cadeeyeen in ay raali-gelin buuxda ka bixinayaan warkaasi.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo maanta ka soo baxay masuuliyiinta telefishankaasi oo uu ku saxeexnaa guddoomiye ku-xgeenka Bulsho Tv Cumar Aw Cali Axmed, oo nuqul ka mida uu soo gaadhay shebekadda wararka ee Hargeisa Press.

Warka raali-gelinta ah uu bixiyay Bulsho TV ayaa u dhignaa sidan:-

“Anagoo tixraacayna war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland, kuna taariikhaysnaa 27/02/2021 oo ku saabsanaa ku dhaqanka xeerka saxaafadda xeer lambar 27/2004 dulucdiisuna tahay reebannaanta faafineed wixii ka baxsan xuduudaha sharci ee dalka u yaalla iyo Saxaafadda Somaliland”.

“Haddaba, Annagoo tixgelinayna Xeerka Saxaafadda Somaliland Xeer Lambar 27/2004 qoddobkiisa 13-aad faqradiisa “B” Waxaanu raaligelin siinaynaa cid kasta oo dhibsatay war ka baxay Bulsho TV oo la xidhiidhay Ciidamada Qaranka Somaliland.”

Dhinaca kale, telefishanka Horn Cable oo isna warkii digniinta ahaa ee shalay ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Somaliland lagu amrayay inuu raali-gelin bixiyo ayaan ilaa hadda ka jawaabin digniintii xukuumadda.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here