Hargaysa: Beel Qado-sharaf Ku Maamustay Hogaanka Xisbiga WADDANI

0
471

Hargaysa(HP): Xubno kamida qurbo-joogga Beesha Toljecle, ayaa munaasibad Munaasibad Qado-sharaf ugu sameeyey Magaalada Hargeysa hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Munaasibadan waxaa soo qaban qaabisay  Marwo Khadra Aw Ismaaciil, iyo Sayigeeda Cabdilaahi Cali Ibraahim oo kamida Qurbo-joogga Somaliland.

Waxaana ka  soo qayb galay Suldaanka guud ee Beeshaasi, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Hogaamiyaha Xisbigaasi, guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah, Murrashaxa madaxweyne ku-xigeen.

Xubno ka mida xoghayeyaasha xisbigaasi WADDANI, Murrashaxiinta Beeshaasi uga tartamaya goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka Gobolka Maroodi-jeex iyo degmo-doorashada Gabiley, haldoor, waxgaradka iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horayn waxa Xafladaasi ka hadlay, Suldaanka guud ee Beesha Toljecle Suldaan Axmed Daahir Muuse iyo Oday Cabdilaahi Cali Ibraahim oo ku hadlayey afka qoyska qurbo-joogga ah ee Xaflada sameeyey.

Waxaanay hogaanka Xisbigaasi uga mahad-naqeen soo dhaweynta iyo aqballada Murrashaxiinta Beesha.

Suldaan Axmed Daahir Muuse, ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey Marwo Khadra Daa’uud iyo Sayigeeda xafladan maamuska leh ee ay u fidiyeen hogaanka Xisbiga iyo Haldoorka Beesha.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahna Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad-naqay Qoyska qado-sharafta ku casuumay iyo Beesha Toljecle.

Waxaanu Guddoomiyuhu sidoo kale ku adkeeyey hormuudka Beesha inay u hagar baxaan taageerada Murrashaxiinta uga sharaxan Xisbiga.

Sidoo kale xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis, Siyaasi Cali Cabdi Saayiq oo kamida madaxda xisbigaasi, Xoghayaha Abaabulka iyo wacyi-gelinta Xisbiga WADDANI Cabdilaahi Jamaac Geel-jire iyo Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbigaasi Maxamed Cali, ayaa iyagna halkaasi ka hadlay.

Waxaanay u mahad-celiyey xubnaha qurbo-joogga ah ee Beesha Toljecle ee hadhi-sharafeedka ku maamuuseen madaxda Xisbiga, waxaanay ku booriyeen inay garab iyo gaashaanba u noqdaan Murrashaxiinta Beesha ee u tartamaya kamid noqoshada Goleyaasha Qaranka.

Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo xafladaasi hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Beeshu cod iyo cudud kula soo biirtay Xisbiga, si milgo iyo maamuus lehna ay ugu soo dhaweynayaan Xisbiga.

Guddoomiye Jirde, waxa uu ka cudur-daartay in uu howlo shaqo kaga maqnaa munaasibadii shaacinta Murrashaxiinta Beesha, balse uu qalbiga iyo niyadaba kala socday.

Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa mahad-naq, kaddib waxa uu kula dardaarmay Odayaasha, Haldoorka iyo waxgaradka madasha ka soo qaybgalay in aanay u kala hadhin taageerada iyo taban-taabada Murrashaxiinta ay Doorashada u soo xusheen.

Hogaamiye Xirsi,  ayaa intaasi ku daray in meesha lagu kala hadhayo ee loo tartamayaa ay tahay kamid noqoshada goleyaasha Doorashoodu qabsoomayso bisha.

Isagoo u rajjeyey Murrashaxiinta deegaankaasi wato inay kamid noqdaan xildhibaannada ku guulaysta Kuraasta Baarlamanka iyo deegaanka.

Ugu dambeyn, Suldaanka guud ee Beeshaasi ee ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, taasoo uu ku maamusay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here