Hanti-dhowraha Guud Ee Soomaaliya oo War Ka Soo Saaray Baadhitaan La Sheegay In Ay Ku Sameeyeen Xasan Cali Kheyre

0
1138
Xasan Cali Kheyre
Xasan Cali Kheyre

Muqdisho (Hargeisa Press) — Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya, Maxamed Cali Afgooye, ayaa maanta sheeggay in ayna baadhitaan ku samaynin raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo 25-kii bishii julay xilka looga qaaday mooshinbarlamaanka uu kasoo gudbiyay.

Hanti-dhowraha oo maanta sii daayay warbixin sannadle ah ayaa warbaahinta horteeda ka beeniyay warkaas, balse wuxuu sheegay in raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu ka dalbaday in hanti dhowrku warbixin kasoo diyaariyo xafiisyadda uu la wareegayo.

“Raysal Wasaaraha cusub maadaama uu ku cusub yahay xafiiska, wuxuu naga codsaday in aan siinayo warbixin ku saabsan marxalada uu ku jiro xafiiska raysal wasaaraha, mana aha wax la xidhiidhay baadhitaan khuseeya raysal wasaarihii meesha ka baxay iyo cid kaloo ka tirsan xafiiska,” ayuu yidhi hanti-dhowraha guud.

Xasan Cali Kheyre oo hadda kamid ah murashixiinta madaxtinimada ayaa hore isaga fogeeyay eedeymo musuq maasuq oo loo soo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here