Halkuu qaran jabkeenuba ka yimid qiiqan dami waayay, Malaha qodaxda meel durugsanbay qaar ka dayayaane, Qolqolada guryaha ayaa lagala yimid qaasinoo cudurka.

0
1203

Bulshadu waxa ka dhex guuxaya dareeno badan oo ka dhashay habdhaqanka maamul ee Xukuumada Kulmiye keenay oo saldhig u noqday maamul xumo ragaadisay nidaamkii dawladnimo isla markaasna laga dhaxlay Cadaalad daro, Musuqmaasuq, Boobka Hantida Umada iyo In Bulshada layska horkeeno.

 

Xafiisyada dawladu waa qaar ka shaqeeya hadimooyinka shacabka ay u adeegayaan, waxaad arkaysaa muwaadin sita waraaqo kasoo baxay xafiis dawladeed oo loogu sharciyaynayo Hanti ama Dhul muwaadin kale daganyahay ama Hore loo bixiyay. Waxa nasiib daro ah in xafiisyadii dawlada ee sharcigan kasoo baxay kala saari waayo  muwaadiniintii ay madax isku galisay, xukuumadii uu dhalay Xisbigii kulmiye waxay noqotay mid abuurta mashaakil aad u fara badan oo aanay wax badbaadin ah u haynin. Mar hadii Xukuumadii Dalka hogaaminaysay noqotay halaq galeenka ugu way nee laga soo maleego Dhibta iyo Hagar-daamada shacabka Reer Somaliland ee la xarbiyaya nolosha.

 

Hadaba markaad arimahaas oo dhan laga yimaado waxaan is waydiiyay halka ay ka imanayaan dhibaatooyinka maalin walba soo noq noqonaya ee aan xalna loo hayn wax kale oo lagu furdaamiyo na aanay jirin. Waxaan qaatay TOOSH aan ku raadiyo dhibtani halka ay ka timid, sidaan raadkii u hayay wuxuu Ila Galay Xarunta Madaxtooyada Somaliland. Arinkuba sidii hore waa ka culus yahay Qodhiyo Xero  waxaan ogaaday halkii dalka laga maamulayay inay tahay Saldhiga ugu wayn ee dhibataydu ka timaado iyo waliba amarada is burinaya ee umada kala fogeeyay.

 

Waxaan kusoo koobay tixdan gabayga ah:-

  • Halkuu qaran jabkeenuba ka yimid qiiqan dami waayay,
  • Malaha qodaxda meel durugsanbay qaar ka dayayaane,
  • Qolqolada guryaha ayaa lagala yimid qaasinoo cudurka.

 

Abwaan Lugooyo

 

Dalku maanta badbaado ayuu u baahanyahay, Muwaadin ka feker cidii dalka iyo dadkaba dan u ah, ee wax ka badali karta hogaaminta umada una horseedi karta cadaalad, horumar, shaqo abuur iyo xidhiidh beesha caalamka

Ilaahay sidii khayr ku jiro hayna waafajiyo.

 

 

By. MohamedGacayte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here