Hadalkii Guddoomiye Xirsi ee Buuggiisa Cadaaladda maxaa iiga baxay?

0
591

Waxaan daawaday hadal dheer oo Guddoomiye Xirsi Ali H Hassan ka jeediyay Madashii Bandhigga Buugga uu qorey ee Miisaanka Caddaladda! Hadalkaasi oo dhinacyo badan taabanaya, waxa uu Guddoomiyuhu ku dheeraaday waxa buugga ku qoran iyo in isaga iyo Buugga la isdaba qaado oo lagu la gu la xisaabtamo!

Meelaha uu daabtay Guddoomiyuhu waxa ka mid ahayd, in aanu Buuggu ka hadlayn oo kaliya Caddaalada iyo Caddaalad darrada ka dhacda Dacwadaha ka socda Maxkamadaha, ee uu guud ahaan ba ka hadlayo qaybaha nolosha iyo sida Caddaalad loogu baahan yahay.

Halka aan u socdo ee uu Guddoomiyuhu na ka hadlay waxa ka mid ahaa, sida Madaxda kala duwan ee dalka oo uu ka xusay Wasiirada laftooda looga baahan yahay inay Caddaaladda ku saleeyaan shaqooyinka ay Qaranka u hayaan. Waxa uu Guddoomiyuhu sii raaciyay in uu wakhtigii uu Wasiirka Madaxtooyada ahaa uu ka shaqeeyay siyaasad lagu hormarinayo Caddaalada dalka! Hadalka waxa uu Guddoomiyuhu qaybaha dambe ku soo qaaday sida xataa Caddaaladda looga baahan yahay  Guryaha iyo Qoyska dhexdiisa!

Hadda ba, mar haddii uu Guddoomiyuhu sheegay in Buuggan cidda ugu horraysa ee lagu xisaabinayaa uu isaga yahay, bal aynu soo qaadano hal dhacdo oo xidhiidh la leh Caddaalada iyo Miisaankeeda oo Guddoomiyaha loo tiriyo!

Wakhtigii uu Guddoomiye Xirsi Wasiirka ka ahaa Wasaaradda Madaxtooyada waxa soo baxday Waraaq Xukuumaddu ugu hibaysay Guri Dawladdu lahayd in si shakhsi ah loo siiyay Guddoomiyaha! Warqadaas oo ka soo baxday Wasaaradda Hawlahq Guud oo uu wakhtigaa Wasiir ka ahaa Cabdirisaaq Khaliif Ahmed, waxa lagu sheegay in Madaxtooyadu siisay Guddoomiyaha oo wakhtigaa ahaa Wasiir ka tirsan Xukuumaddii Madaxwayne Siilaanyo, Ahun!

In Hanti Ummad dhan ka dhaxaysa, si gaar ah loo siiyo Masuul Xukuumadeed ama Haayad kale maaha wax ku cusub Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxdeeda, oo tira ba malaha. Waxaa se tallaabo wanaagsan ah in la is xisaabiyo oo Madaxduna fagaarayaasha la yimaadaan doodo lagu xisaabinayo. Waa halka ay ka dhalanayso, weydiimaha soo socdaa!

Su’aasha Koowaad waxay tahay, Guddoomiye Xirsi , ma Caddaalad la Miisaamey ayuu u arkaa in Xukuumaddii uu ka tirsanaa si gaar ah u siiso Hanti ka wada dhaxaysay Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo Malaayiin uga baahi badnaa ay jireen? Mise Hanti sharciga la waafajiyay oo Caddaalad na lagu miisaamay oo aanay cid uga baahi badnayni jirin ayuu u arkaa?

Su’aasha labaad na waxay tahay, Sida uu Guddoomiyuhu hadalkiisa ku sheegay, mar haddii uu wax badan oo Caddaalada la xidhiidha korodhsaday kadib wakhtigaa, hadda diyaar ma u yahay in hantidaa ku maqan uu iska soo celiyo si uu u noqdo siyaasi ay dhab ka tahay Caddaalad raadintu ? Mise wuxuu ka doorbidayaa inuu qiil u raadiyo, ka dib na Gurigaa la daba sido, si la mid ah sida illaa Maanta loo daba sido Beerta  ku maqan Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland?

In Siyaasiyiinta kaliya uun dhagahooda la maqashiiyo hadalo amaan ah, laga na soo duubo muuqaalo ay soconayaan; waxa in badan uga faa’iido badan iyada oo doodaha adag ee bulshadu kaga sheekaysato markay Kamaraduhu bakhtiisan yihiin, loo soo bandhigo!

Ogaysiin: Qoraalkani maaha falanqeyn Buugga Miisaanka Caddaaladda, waa se falcelin hadalkii Guddoomiyaha ee Madasha soo bandhigidda ee Buugga!

W/Q: Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Cabdi, oo ka tirsan Xisbiga Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here