Hadalka Madaxweynaha ee Khuseeya Madaarka Berbera maaha Wax Cusub ee Lix Bilood ka Hor ayaa la inoo Sheegay

0
626
Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Qaybo ka mid ah saxaafadda Somaliland iyo dadka isticmaalaha baraha bulshada (Social Media) ayaa siyaabo kala duwan u faaleeyey hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ee la xidhiidha qaabka loo isticmaalayo madaarka Berbera, gaar ahaan qaybta uu kaga hadlay in madaarka loo beddelay inuu noqdo mid rayid ah oo ay isticmaalayaan duulimaadyada madaniga ah, iyadoo ay dadka qaar ka dhigayaan mid cusub oo hadda uun daboolka laga qaaday.

Hasayeeshee, qorshaha madaarka lagaga dhigayo mid ay wada isticmaalaan millatariga iyo rayidkuba waxa isla qaatay dowladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, kadib safar ay halkaas ku tageen wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi taariikhdu markii ay ahayd 18 April 2019, waxayna weftiga Somaliland arrintan shaaciyeen markii ay ka soo laabteen safarkaas 21 April 2019.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa markii ay weftigu soo laabteen, ayaa si cad u sheegay in dowladaha Somaliland iyo Imaaraadku isla qaateen in Madaarka Berbera oo markii hore ahaa in saldhig millatari oo qudha loo adeegsado, laga dhigo mid ay wada isticmaalaan duulimaadyada millatariga iyo rayidkuba.

“Arrimaha kale ee muhiimka ah ee dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha ee laga wadahadlay waxa ka mid ahaa madaarkii Berbera ee aad maqlayseen inuu markii hore ka mid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanayaan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri,” ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

Haddaba, hadalka Madaxweynuhu ka kala jeediyey magaalooyinka Berbera iyo Burco ee la xidhiidhay in madaarka Berbera ay isticmaalayaan duulimaadyada madaniga ah maaha wax cusub oo hadda oo dhacay ee waxa arrintaasi ka dhalatay heshiiska ay isla qaateen Imaaraadka iyo Somaliland bishii April, 2019, bulshada loo soo bandhigay isla bishaas April 2019.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland waxa ku cusub erayga uu u isticmaalay madaarka Berbera oo ah ‘HUB’ (HUB Airport), taasoo ah in la dhigayo madaar caalami ah oo ay diyaaraduhu u isticmaalaan goob ay isku waydaarsadaan rakaabka iyo xammuulka u kala gudbaya dalalka (transit facility for passengers and cargo). Waxa kaloo hadalka Madaxweynaha ku cusub in Dowladda Imaaraadku dhammaystirtay dhismihii madaarka, kana dhigeen mid casri ah oo tayo ahaan iyo adayg ahaanba ka aad uga fiican noocii hore ee uu Ruushku dhisay, isagoo Madaxweynuhu xusay in madaarka Berbera yahay mid xiitaa la soo fadhiisin karo dayax-gacmeedka loo diro hawada sare.

Haddii arrinta looga dhabeeyo sida Madaxweynuhu sheegay, lana hirgeliyo waxa uu noqon doonaa madaar caalami ah oo faa’iido weyn u soo jiida dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Halkan ka eeg hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland uu jeediyey 21 April 2019.

Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi (Cirro),

Hargeysa, Somaliland

Maxamedciro@gmail.com

Telefon: 0634427667

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here