Sir-doonka Somaliland oo Qabtay Gawaadhi Falal Amni Darro Lagu Fuliyay

0
2386

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ciidamadda Sir-doonka Qaranka Somaliland, ayaa maanta shaaciyay in ay soo qabteen gaadiid ku lug yeeshay falal amni darro.

Gaadiidka la qabtay oo sawirradoodda ay baahisay haayadda Sir-doonka Somaliland NIA, ayaa tiradoodda lagu sheegay 18 Gaadhi.

Baabuurtan ayaan lahayn taarikada gaadiid ka lagu aqoonsado, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ku lug yeesheen fududaynta falal qorshaysanaa oo haayaddu fashilisay.

Sidaasina waxaa lagu sjeegay war qoraal ah oo maanta ka soo baxay haayadda Sir-doonka Somaliland.

“Hay’adda Sirdoonka Somaliland NIA, oo raacaysa xogo ay heshay ayaa ku guulaysatey in ay gacanta ku dhigto 18- Gaadhi oo ku lug yeeshay fududaynta falal qorshaysanaa oo haayaddu fashilisay.

Baabuurtan ayaan lahayn taarikada gaadiid ka lagu aqoonsado” ayaa lagu yidhi warkan ka soo baxay haayadda Sir-doonka Somaliland.

 

Geesta kale, waxa kaloo warkaasi lagu sheegay in haayadda Sir-doonku ay ku daba jirto tiro kale oo ka mid ah gaadiidkani.

“Haayadda Sirdoonka Somaliland NIA, ayaa ku daba jirta tiro kale oo ka mid ah gaadiidkani”.

Ugu danbayn, warkan ka soo baxay haayadda Sir-doonka ayaa muwaadiniinta ka codsatay in ay haayadda ku soo war geloyaan haddii ay arkaan baabuurtan ay ka maqan tahay taarikadu.

“Fadlan muwaadin ku war-geli haayadaha amniga haddii aad aragto baabuurta ay ka maqan tahay taarikadu” ayaa lagu yidhi warkaasi ay baahisay haayadda Sir-doonka Qaranka Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here