Guri Ku Gubtay Hargeysa oo Dahab Laga Soo Bad-baadiyay

0
1767

Hargeysa (Hargeisa Press) – Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa, ayaa damiyay gur jiingad ah oo dab qabsaday kuna yaala degmada Axmed Dhagax xaafada Biibsiga ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada Dab-demiska, ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo khatar galiyay guryihii kale ee jaarka la ahaa.

Ciidanka, ayaa waxaa ay gurigaasi ka soo badbaadiyeen hanti iskugu jirta Dahab, Moobilo iyo Dhukumantiyo muhiima.

Ma jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho oo dabkaasi uu sababay.

Waxaa sidoo kale hawl galkan ka qayb qaatay Ciidanka Booliska degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Ciidamada Dab-demiska, ayaa waxaa ay fariin u direen bulshada, iyagoo ugu baaqay inay ka taxadaraan halista dabka, sidoo kalena ka feejignaadaan wax kasta oo dhalin kara dab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here