Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Kulan La Qaatay Odayaasha Deegaanka Qool-bulaale

0
833

Sallaxley (Hargeisa Press) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa waxaa uu kulamo muhiima uu la qaatay Odayaasha, Waxgaradka iyo Guddiga Horrumarinta ee Deegaanka Qool-Bulaale ee Degmadda Sallaxley.

Kulankan, ayaa waxaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ku wehelinayay Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo ka mida midanayaasha aqalka Golaha Wakiillada.

Agaasimaha iyo Odayaasha iyo Guddiga deegaanka, ayaa waxaa ay kulankooda kaga wadahadleen xaalada guud ee ka jirta deegaanka Qool-Bulaale iyo adeegyada dhanka baahiyaha ah ee ka jira deegaanka ee u baahan in wax laga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here