Gurac iyo geeraar qabiil

0
1826

 

Gurac iyo geeraar qabiil

954 macalin ayay dawladdu shalay ku dhawaaqday in ay u aqoonsatay shaqaale rasmi ah oo mushahar toos ah ay siin doonto, waa talaabo macno wayn u leh bulshada,saamayn wayna ku yeelan doonta noloshooda,Dawladdu waxay muhimadda siin doontaa macalimiinta iyo askarta oo ah halbawlaha qarankani ku taaganyahay.

Warka noocaas ah faaladiisu hal meel igumay soo marin cid xiiso u qabtana dhagtaydu may maqlayn waa la is dhaafinayaa,maxaa yeelay waxaa siyaasiyiintu ina dhaxalsiiyeen nidaam qufulan oo dhinac kaliya ujeeda iska caabinta,is difaaca,Qabyaalada ku qadhaabka,boobka waxaa laga yaabaa in aynu garan laanahay wadadii saxnayd ee wax ku qiimayn lahayn.

Gobonimaddu waa waajib umadeed nolosha guusheeduna waa fahan iyo ficil (Commitment), waxaad moodaa in qiimo kasta oo bulshadeena usoo kordha waxaa si mugdi ah u muuqda inaynaan haynin dariiq caqli salmi ah oo qiimayn ku haboon faaladeeda u quudha, kaasoo xoojinaya sii jiritaankeeda, waxaad arkaysaa in ishii waxa wanaagsan qiimayn lahayd aanay jirin,waxaa sidii adoonta (slave) ama gumaysigii la inoogu shubay in dhinaca xun waxkasta ku qiimayno,Muwaadinimo waa wax ibnu aadamka ku qaali ah waxaad leedahay iyo sidaad ugu faani lahayd haba xumaado hadana in tuurta aad ka biiso oo afkaaguna waxa san barto ayaa dalku kaa mudan yahay.

Madaxweynuhu wuxuu soo saaray wareegto magacaabis oo uu dastuuri ah waxaad moodaa faalada wareegtadaasi inay buuq badan dhalisay balse la isma waydiin qiimaha ay leedahay faaladeedu,dadku waxay ku mashquuleen waxaan dantooda ahayn oo qabyaalad iyo qoqob uu horseed u yahay, uma baahna in waqti loo huro balse waxay mudan tahay in lagula xisaabtamo baahida iyo qabyada shaqaddaa cidaa madaxweynuhu udirsaday shaqadaas.

Waxaa mudan in qiimo loo yeelo 954 qof ee shaqaalaha rasmiga ah ku guulaystay waxay saamayn ku yeelan doonaan ilaa 2000 oo qof ama 1000 qoys oo bulshada qayb wayn baahidoodii qabyo tiri doona.

“Caagada Badhbaa madhan iyo caagada qaybaa buuxda” odhaah ahaan way kala caafimaad badan yihiin caagad biyo ku jiraan badhbaa madhan ayaynu lasoo boodaynaa,GURRAC baynu usoconaa alle ha sahlo.

,”Kuwa xasuusan kari waaya waayihii soo maray waxay ku inkaaran yihiin inay dib ugu noqdaan” hadalkaas Prof gees buugiisa dharaaro xusuustood baan ka xushay waana kayd in la isticmaalo oo noloshana lagu dhisto ku haboon.

Nolosha hadii aynaan maaraynteeda gacanteena ku haynin oo aynaan wixii wanaagsan inagu buunbuunin waxaynu waayi doona wixii inoo dhisnaa.

W/qoray:Ahmedyasin Sh cumar Sh ahmed

LEAVE A REPLY