Gudoomiye Kuxigeenka iyo Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale oo Ku Baaqey Qabanqaabada Xuska 18ka May

0
1189
Gudoomiye Kuxigeenka Degmada iyo Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale

Tog-Wajaale,(HargeisaPress) —Gudoomiye Kuxigeenka Degmada iyo Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Cabdilaahi Xasan Samaale ayaa ku baaqey qabanqaabada Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May Taas oo Sanad Walba Degmada Tog-Wajaale sigaar ah looga xuso, Maadaama ay kamid Tahey Magaalooyinka ugu Waaweyn dhinaca Xuduudaha ee Munaasibadan oo kale laga dareemo Dalka aynu dariska nahey ee Itoobiya,oo andhayaa Mangadhka TogWajaale ina Xidhiidhiyo.

Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Cabdilaahi Xasan Samaale oo lahadley Warbaahinta kala Duduwan Waxa uu Sheegay in ay ka Degmo ahaan siweyn u xoojinayaan Xuska Maalinta Qaranimada ee 18ka May islamarkaana, looga baahan yahey Shirkadaha Gaadiidka isaga goosha Caasimada Hargeysa iyo Tog-Wajaale ee kuleh Tog-Wajaale Xafiisyadda dhamaan Ganacsatadda,Xamaaliinta iyo Ururadda Bulshada ee Degmada Tog-Wajaale in si Xoog ah loogu Diyaargaroobo oo ay dhamaan Soo qaataan Shirkadahaasi Calanadii iyo Astaantii Qaranka oo dhan.

“Maalinta Qaranimada ee 18ka May Waa in Siweyn loo Xusaa ka Degmo ahaan Tog-Wajaale ka Maamul ahaana Waxaanu go.aan ku gaadhney in Aanu Si xoog ag uga hawlgalno oo ugu baaqno dhamaanb Shirkadaha Gaadiidka ee halkan Xafiisyadda ku leh, ganacsatada,Xamaaliinta, iyo dhamaan Qeybaha bulshada Waxaananu ugu baaqeynaa in ay Dhamaantood soo qaataan Calanaddii iyo Astaantii Qaranka Waxaananu kormeerka Koowaad Samaynaynaa 10ka Bisha oo Maamulkayagu Shirkad kasta ku kormeeri doono u Diyaargarawga Xuska.Maalinta Qaranimada Somaliland Waxaana loo baahan yahey in laga Shaqeeyo bilicda iyo Nidaamka Qorshaha Magaalada oo aan Waxba laga badelin” Ayuu yidhi Xoghayaha D/Hoose ee Degmada Togwajaale Cabdilaahi Xasan Samaale.

Waxa kale oo isaguna halkaa fariintiisa ka gudbiyay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Tog-Wajaale Mursal Nuux oo isaguna Sheegay in Cidii qorshaha Wax ka baddela ay u Dalban Doonaan Cagafta D/hoose soo iibsatey.

Dhinaca kalena Magaalada Tog-wajaale ee Qadiimka ah oo Kutaala Xuduuda u Dhexeysa Labada Dal Somaliland iyo Itoobiya ayaa siweyn looga Dareemayaa u diyaargarawga Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka may iyadoo dariiqyda Magaalada iyo guud ahaanba Meheradaha ganacsiga laga hortaagay Calanka Somaliland oo si qurux uga babanaya.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here