Somaliland: Amaro Cusub Oo Wasaradda Gadiidku Dul Dhigtey Shirkadaha Basaska Ee Gobolada U Baxa.

0
1305

Hargeysa ,(HargeisaPress) —Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland. mudane Cumar Cabdilllaahi Aadan (Cumar Sayid) ayaa is-dultaagay waxyaabaha xudunta u ah shilalka gaadiidka ee soo noqnoqday.

Agaasime Cumar waxaa uu wadayaasha gaadiidka u soo jeediyay in boqolkiiba sideetan wax ka badan aan lagu wadi karin, gaadiidka si loo badbaadiyo nafta iyo hantida umada.

Waxaanu agaasime Cumar Sayid sidan ka sheegay kulan uu xafiiskiisa kula qaatay masuuliyiinta shirkadaha socdaalka basaska ee Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cumar Cabdilllaahi Aadan waxaa uu is-dultaagay waxyaabaha inta badan sababta u ah inay shilalku dhacaan waxaanu yidhi “Shirkani waa shir aan caadi aheyn oo ku saabsan laba arrimood, sii xoojinta wasaarada iyo wada shaqeyntii inaga dhaxeysay, taasi oo in mudo ah soo socotay, guulo badana laga gaadhay, qodobka labaad waxaa weeyaan shilalka wadanka ka dhacaya oo aad u batay, kuwaasi oo ay ugu danbeysay labadii shil ee naxdinta lahaa ee ka dhacay inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera, anaga oo ka tacsiyadeynayna ehelkii dadkaasi ka baxeen, wadooyinka oo dhismahoodu yahay kuwii hore masaamaxeyso in boqol iyo sideetan iyo boqol iyo sodon laguma wadi karo, marka dirawalka boqol iyo sodon gaadhigii kuwada isaga laftiisa ayaa qayb ka ah shilka, qadarka Rabi marka laga tago, gaadiidkii waxaa aad u dhiibteen wadayaal da’yar oo aad tidhaaheen Hargeysa iyo Burco ayuu isaga soo laba goor noqon karaa, gaadiidkii qaarkii rar saayida oo intii loogu tallo galay ka badan ayaa la saaraa, sidoo kale gaadiidka waxaa lagu xidha indho said ah intaaso la isugeeyay”

Sidoo kale agaasime Cumar waxaa uu ku amray masuuliyiinta shirkadaha socdaalka in aan gaadhiga wax ka badan boqolkiiba sideetaan lagu wadi karin waxaanu yidhi “Waxaa ay qayb ka yihiin shilalka dhacay, dhammaan shirkadihiina socdaalka oo dhami waxaad liisamo ka heysataan wasaaradda waxaa la idinka raba inaad dib isugu noqotaan oo dirawaliintiina eegtaan, xawaaraha lagu socdaana aanu ka badnaanin boqolkiiba sideetan, waxaana la idinka raba inaad ka fal celisan masuuliyada rakaabka aad sidaan, waayo wax ka wanaagsan in qof rabaaka la badbaadiya ma jiro, adiga oo toban dollar faa’idaya hadii aad sodon qof disho aakhirna leysaga hadhimaayo oo masuuliyaddba jirta ifka dawlada ayaa u xilsaaran, dadkuna hal qof inaguma dheeraad aha, hadii ay tahay Laascaanood hal habeen ayaa laga dhaxaya waa in laga dhaxaa, iyada oo la badbaadinayo lafaha dadka, Somalidu waxaa ay tidhaha ‘Nabad qabe ayaa dheereeya’ is eryadka la is eryana maaha in wadankana ceeb u soo jiido, dadkana war-wargeliyo, dhaaqaalahana burburiyo”

“Waanu maqleynaa dardaaranka iyo hadalka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka waa arrin fiican oo la odhan karo bulshada ayaa lagu badbaadinayaa, wax ka wanaagsan oo la is yidhaaha ma jiraan, shirkadayada anaga dhammaan GBRS ayaa kuwada xidhan, iyaga oo boqol wax dhaafiyay ayaan anigu ka bakhtiiyay”Ayuu yidhi Maxamuud Jaamc Carab oo ku hadlaayey Afka shirkdaha socdaalka ee basasku.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY