Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo Cisbitaalka Ku Booqday Fanaanad Maryan Mursal

0
985

Hargeisa (Hargeisa Press)– Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo uu wehelinayo Afhayeenka Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun, ayaa waxa ay Cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Royal ee ku yaala magaalada Hargeisa ku booqdeen Fanaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise oo loo dhigay xanuun ku soo booday.

Fanaanada caanka ah ee Maryal Mursal ayaa afartii maalmood ee u dambeeyey ku jirtay Cisbitaalka Royal, taas oo lagaga dabibayey xanuunka faaliga oo haleelay.

Fanaanadda Maryan Mursal ayaa u mahad celisay booqashada gudoomiyaha Xisbiga Waddani waxayna sheegtay inuu yahay masuulkii ugu horeeyey ee madaxda Somaliland ka tirsan ee Cisbitaalka ku soo booqda.

Dhinaca kale, Fanaanada Maryal Mursal oo la socota diyaaradii ay Hargeysa ku imanayey ayaa diyaaradda dhexdeedii ku xanuunsatay ka dib markii faalug sanifay, taas oo sababtay in Xinjir fadhiisato Madaxa, inkastoo dhakhaatiirtii socodsiiyeen Xinjirtii dhiiga ahayd oo ay hadda xaaladeedda caafimaad fiican tahay.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here