Gabiley, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha ururka qaranka marwo haweeya cabdi kaahin ayaa si adag udhaliishay agaasimaha madaxtooyada qaranka khadra xaaji gaydh ka dib markii farogalin baahsan oo aan xuduudlahayn ay ku hayso bahwaynta ururka qaran now ee gobalka gabiley oo isla markaana horjoogta shirwaynihii ururka qaranka now ka dib markii ay xubno ay wadato 5xubnood ka kooban uruka now aan hore ugu jirin ay khadra xaaji gaydh rabto in ay duudub ugasooo darto ururka qaran now iyadooo adeeegsanaysa awoodii agaasinimo ee ay qaranka ugu shaqayn lahayd sido kale waxay ay gudoomiyaha ururka qaran now sheegtey in kala jajabin badheedh ku hayso haweenkii usinaa qanuunka iyo sharciga ururku leeyahay iyadoo meelna aanay kasoo galay xubnaha ay wadato ee ka kooban 5xubnood oo ka hawl gala shaqaalaha dawlada hoose ee gabiley ay rabto inay awoood agaasinimo u adeegsato iyadooo aanay xukumin ururka qaranka now oo ay tahay agaasime madaxtooyo ooo qaran shaqo uhayso sida aan aniguba aanan farogalin ugu samayn Karin hawlaha ay uhayso qaranka oo aanu sharcina ii banyan oo qanuunka iyo shuruuucda utaala dalkeena.
Hadaba marwo haeeya cabdi kaahin ay fariiimo xambaarsan dhaliilaha farogalinta ah ku hayso ururka qaranka now oo ah kuwo ka kooban dhawr qodab oo udhigan sidan..
1: iyadoo ah agaasime qaranka shaqo u hayso oo shaqo aanay awood ulahayn ku haysa ururka qaran now.
2: iyadoo xubin ka tirsan ururka qaranka now oo bilkasta mushaharkeed loogu diro zaad sidoo kale agaasime awood adeegsanaya..
3: iyadoo kala qod qodaysa haweenka oo kolba shir la galaysa bahda xubnaha ah ee ururka ka tirsan. Sidoo kale gudoomiye haweeya cabdi kaahin ay sheegtey in ay si deg deg ah faraha ugala baxdo intaanay ku cuslaan tidhina khadraay bar bari nin beera ayay gubtaa,gabiley waa nabad kulmiyana waa nabad waana lawada jooga.
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com