Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Xafiiskiisa La Dhigay Alaad Kamida Waxyaalaha Qarxa

0
756
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee JSL Md. Aadan Xaaji Cali Axmed

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiye maxkamada sare ee Somaliland mudane Aadan Xaaji Cali ayaa ka hadlay saddex nin oo laga shakiyay isla markaana ay ciidamada amaank Somaliland gacanta kudhigeen, waxaan uu gudoomiyuhu sheegay in ragaasi lagu daba jiray isla markaan ay saddexdii casho ee u danbeeyeyba ay kusoo noqnoqanyeen maxkamada sare.

 

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali oo wargeyska Warsugan la xidhiidhay ayaa sidoo kalena waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegay in xafiiskiisa la dhigay waxyaalo kamida aaladaha qarxa isla markaana la doonayay in lagu khaarajiyo isaga, waxana uu sheegay inay wararkaasi yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn balse ay jiraan rag laga shakiyay oo la qabqabtay.

 

Gudoomiye Aadan ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay ragaa baadhitaano kala duwan ku hayaan.

 

Dhanka kalena saraakiisha ciidamada booliska Ayaan iyagu wax faahfaahina ka baxin ragan la qabqabtay iyaga oo sidoo kalena aan wali la shaacin magacyada saddexda nin .

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here