Hargeysa,(HargeisaPress): Guudoomiyaha Jaamacadda ADMAS Somaliland Xuseen Cabdillaahi Maxamuud ayaa maanta kulan hambalyo iyo duco ah la yeeshay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) isagoo illaahay uga baryey inuu ku asturo xilka culus ee qaran.
“Waxaan kulan hambalyo iyo duco ah ugu tagay Madaxweynaha cusub ee lixaad ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan-Cirro),kadib markii uu ku guuleystay doorashadii isa saarnayd ee Madaxtooyada iyo Ururada ee dalka ka dhacday 13 November 2024. Waxaan ILAAHAY uga baryey inuu ILAAHAY xilkaasi qaran ku soo asturo. Waxa kale oo aan kala hadlay arrimo kale oo muhiima”.Ayuu Guddoomiyaha Jaamacadda ADMAS ee Somaliland Xuseen Cabdilaahi Maxamuud.
Gudoomiye Xuseen Cabdillaahi oo ah aqoonyahan karti iyo sumcad-weyn ku dhex leh bulshada Somaliland ayaa dad badani u soo jeediyeen inuu ku biiro mutacalimiinta hareero taagan madaxweynaha cusub si dalku horumar iyo horu-socod u gaadho.
kulanka Madaxweynaha la doortay Mr Cabdiraxmaan Cirro iyo gudoomiyaha Jaamacada ADMAS Xuseen Cabdillaahi ayaa qayb ka ah booqashooyin si taxane ah u socday maal-mihii ugu danbaysay oo aqoonyanka iyo madax-dhaqameedyada, Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo beelaha Somaliland la yeelanayeen Madaxweynaha lixaad ee Somaliland.
Mustafe-Janaale(MJ)
Hayaannews