Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada oo Kormeeray Garroonka Diyaaradaha Hargeysa

0
457

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayadda Qaranka Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa soo kormeeray garroonka diyaaradaha caasimadda Hargeysa ee Cigaal Airport.

Waxaana kormeerka Guddoomiyaha hay’adda Dhawrista Tayadda Qaranka Somaliland ku wehelinayay xubno ka mid ah hay’adda.

Kormeerkaasi, ayaa guddoomiyuhu waxaa uu ku soo indho indheeyay hanaanka baadhitaanadda badeecooyinka ee madaarka diyaaradaha Hargeysa.

Waxaana guddoomiyaha iyo masuuliyiinta la socday ay halkaa warbixino ku siiyeen xubnaha wakiilka u ah hay’adda Dhawrista tayadda iyo sidoo kale madaxda garroonka diyaaradaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here