Ciidan Beeleedkii Ku Dagaallamay Ceel-afweyn oo Lagu Darayo Ciidamada Qaranka

0
1197

Ceel-afweyn (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in ay Ciidamada Qaranka ku darayso ciidamo beeleedyo dhawaan ku dagaalamay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Arrintan, ayaana timid kadib heshiis laga gaadhay dagaalo dhawaan degmada Ceel-afweyn ku dhexmaray laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada daga.

Goobta lagu heshiisiinayay labada beelood, ayaa lagaga dhawaaqay in ciidamo beeleedyada dagaalamay lagu dari doono Ciidanka Qaranka, sida saraakiisha ciidanku shirka kaga dhawaaqeen.

Qaramaynta ciidamadii dagaalamay, ayaa la sheegay in ay ka mid tahay dhaarta nabada ee lagu dhaariyay odayaasha labada dhinac, oo balan qaaday heshiis iyo nabad.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse oo goobta heshiiska labada beelood ku suganaa, ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidamo beeleedyada dagaalamay lagu darayo Ciidanka Qaranka Somaliland.

May be an image of 2 people

May be an image of 5 people

May be an image of 3 people and dais

May be an image of 4 people and dais

May be an image of 5 people and dais

May be an image of 4 people and dais

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here