Weerarada Israa’iil oo Gaza Ku Barakiciyey 700,000 oo Carruur Ah

0
618

Gaza (Hargeisa Press)- Sanduuqa carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), ayaa sheegay in 700,000 oo carruur ah oo ku nool Gaza “lagu qasbay inay wax walba ka tagaan” iyadoo ay jirto duqeymo aan kala joogsi lahayn oo kaga imanaya Israa’iil.

In ka badan 30 mayd, ayaa laga soo saaray burburka xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza ka dib markii ay Israa’iil duqaymo ku garaacday ugu yaraan 12 guri oo ku yaal degmada Nadi Khadamat.

Steve Sosebee, oo ah aasaasaha Sanduuqa Gargaarka Carruurta ee Falastiin, ayaa sheegay in carruurta Falastiiniyiinta ah ee daawaynta kansarka lagaga daweynayay cisbitaalka al-Rantisi – oo ah xarunta keliya ee kansarka carruurta ee gaarka ah ee Gaza – ay hadda wajahayaan xaalad halis ah.

A baby in an incubator at Al-Aqsa Martyrs Hospital

Sosbee, ayaa u sheegtay Al Jazeera in ay aad u adkeyd in la gaadho qoysaska carruurta oo la isku dayo in la isku duwo ka bixitaankooda deegaanka.

“Carruurtani aad bay ugu fududahay inay jirraan oo ay qaadaan nooc ka mid ah fayras xitaa dili kara. Waxay ku sugnaayeen deegaan aad u nadiif ah oo go’doonsan oo lagu ilaalin jiray,” ayuu yidhi.

“Hadda waxay ku sugan yihiin waddooyinka meel aan biyo nadiif ah lahayn, oo ay bulaacaduhu ku badan yihiin, halkaas oo kaabayaasha dhaqaalaha la burburiyey, waxaanan aad uga walaacsanahay ammaankooda iyo wanaaggooda.”

Dhakhaatiirtu ay sheegeen in bukaannada ay ku jiraan dhallaanka cusub ay u dhimanayaan shidaal la’aan.

Nurse Warda Al-Awawda cares for infants in incubators

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Gaza Ashraf Al-Qidra, oo ku sugan gudaha cisbitaalka Al Shifa, ayaa sheegay in 32 bukaan ay dhinteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo dhawaan dhashay, taasoo ka dhalatay go’doominta cisbitaalka iyo koronto la’aan.

Israa’iil waxay sheegtay in cisbitaalku uu ku fadhiyo godad sare oo xarun u ah dagaalyahannada Xamaas oo bukaannada u adeegsada gaashaan, taas oo Xamaas ay beenisay.

“Taangiyada ayaa hor taagan cisbitaalka. Waxaan ku jirnaa xannibaad buuxda. Gebi ahaanba waa aag rayid ah. Kaliya xarunta cisbitaalka, bukaanada cisbitaalka, dhakhaatiirta iyo dadka kale ee rayidka ah ee cisbitaalka ku jira. Waa in nalaga joojiyaa dhibaatada,” ayuu yidhi Dr Ahmed El Mokhallalati oo dhakhtar qalliin oo ka tirsan cusbitaalka.

“Waxay duqeeyeen taangiyadii (biyaha), waxay duqeeyeen ceelashii biyaha, sidoo kale waxay duqeeyeen matoorka Ogsajiinta, waxay duqeeyeen wax walba oo cisbitaalka yaallay, marka aad ayay noogu adag tahay inaan ka badbaadno, qof walba waxaan u sheegaynaa in cisbitaalku hadda aanu aheyn meel ammaan ah oo lagu daweyn karo.” ayuu raaciyay.

Maxaa ka dhacaya cisbitaalka al-Shifa?

Palestinians wounded in Israeli bombardment of the Gaza Strip are brought to a hospital in Khan Younis, Sunday.

Kumanaan qof, oo ay ku jiraan 650 bukaan iyo 500 oo shaqaale caafimaad ah, ayaa ku jira gudaha dhismaha cisbitaalka Al-Shifa oo ay ku hareeraysan yihiin ciidamada Israel.

Milateriga Israel ayaa dadka ugu baaqaya inay ka baxaan cisbitaalka.

Hani Mahmoud oo ka tirsan Aljazeera, oo ka soo warameysa Khan Younis, ayaa sheegtay in “milateriga Israa’iil ay ugu baaqayaan bukaannada inay ka baxaan cisbitaalka iyagoo gacmahooda ka sarreeya madaxa.”

“Laakiin qaarkood waxay u baahan yihiin kuraasta curyaamiinta halka kuwa kalena ay naafo yihiin, sidaa awgeed ma socon karaan,” ayay tidhi. “Way adag tahay in la fahmo kuwan waa dalabaadka milateriga Israel, isla markaana ay si fiican ula ciyaareyso warbaahinta, una sheegaysa saxafiyiinta ‘waxaan bixineynaa waddo nabdoon.”

Warkan waxanu ka soo xiganay Aljazeera News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here