Gudoomiyaha Guud Ee sariflayaasha Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Talaabada Baanka Somaliland

0
1181
Gudoomiyaha Sariflayaasha Somaliland Amiin Cabdilaahi Cali

Hargeysa,(HargeisaPress) —Gudoomiyaha Sariflayaasha Somaliland Amiin Cabdilaahi Cali,ayaa soo dhaweeyay Talaabadda Baanka Somaliland qaadey,ee ah in ay iyagu Maamulaan Sarifka lacagaha Qalaad iyo Lacagta dalka ee Shilinka Somaliland.

Amiin Cabdilaahi Cali Gudoomiyaha Sariflayaasha,Somaliland waxa uu Sheegay in ay talaabadni tahey mid muhiimad u leh Qaranka Somaliland isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu yidhi

“Waxaan Soo dhaweynayaa talaabada baanka Somaliland maanta qaaday oo ahayd tii mudo sanad laga joogo umadu tabaysay taasi oo ah Inay maamulan sixirka isku badalka lacagaha qalaad iyo lacagta dalka maadama intii Somaliland jirtay Ay iyagu xakamaha uhayeen balse dhawaan umuuqatay Inay meesha kasii baxaysay waana talaabo lagu farxi karo Inay maamulkeeda yeeshan anaguna waanu kula shaqayn doona cidii kahor timaada qiimaha Ay dowladu goyso dhinac ayaanu uga soo wada jeedsanaynaa talaabo sharciyana Waa laga qaadi doona qiimuhuna kolay hoos Ayuu udhici doona maalmaha soo socda”Ayuu yidhi Amiin Cabdilaahi Cali.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here