Laascaanood (HP): Waxaa xalay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay dablay hubaysani ku toogteen guddoomiyaha komishanka doorashooyinka somaliland ee gobolka Sool ALLE ha u naxariistee marxuum Cabdilaahi Maxamed Shirre (Laba-gole).
Dilka guddoomiyaha ayaa la sheegay in ay fuliyeen koox hubaysnayd oo aan ilaa hadda haybtoodda la ogayn, kuwaasoo markii ay dilka gaysteen goobta isaga baxsaday.
Geeridda guddoomiyaha komishanka doorashooyinka Sool waxaa tacsi u diray dhinacyo kala duwan oo ka mida dawladda Somaliland, siyaasiyiinta mucaaradka iyo guddiga doorashooyinka Somaliland.
Sidoo kale waxaa isna tacsi u diray badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, isagoona geerigadaasi ka tacsiyadeeyay qoyskiisa, Asxaabtiisa, shacabka Gobolka, Kommishinka Doorashooyinka heer gobol iyo heer Qaran iyo Qaranka Somaliland uu dhammaantood ba uga tacsiyadeeyay gee.
Geesta kale C/qani Jiidhe, ayaa faray laamaha amaanka ee gobolka Sool inay baadhitaan iyo heeggan u galaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhagar qabayaasha shir qoolkan gaystay.
“Geeridu waa xaq, waxaan se farayaa laamaha ammaanku inay baadhitaan iyo heeggan u galaan sidii loo heli caddaalladana loo horgayn lahaa dhagar qabayaasha shir qoolkan gaystay” ayuu yihdi guddoomiyaha Sool.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.