Berbera (HP): Ciidamadda booliska gobolka Saaxil ayaa maalmihii u danbeeyay gudaha magaaladda Berbera ka waday hawl gallo la xidhiidha amniga oo lagu baadhayay gaadiidka iyo dadka wataba.
Waxaanay ciidamadda boolisku jidadka kala duwan ee magaaladaasi ay ku baadhayeen gaadiidka gudaha magaaladda iyo sidoo kale gawaadhiga u kala goosha goboladda kale ee dalka.
Hawl galadaasina ayaana la xidhiidha sidii ay boolisku uga tegi lahaayeen wixii dhici lahaa nooc uu doonaba ha ahaadee, taasoo ka mid ah shaqooyinka booliska.
Sida uu sheegay tliyaha qaybta ee ciidamadda booliska ee gobolka Saaxil gaashaanle dhexe Cabdi Cali Xayd, oo ka warbixiyay hawl galadaasi ay ciidamadu maalmahan wadeen.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.