Guddoomiye Samaale: “Musharaxa Waddani markuu hadlayo dhegtaa waxloogu sheegaa..”

0
1609

Wajaale (Hargeisa Press)- Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Wajaale maanta kala qaybgalay isu soo baxyada ololaha doorashada ee xisbiga.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Wajaale kala hadlay fagaaraha khayriyada ee magaaladaasi, isagoona u jeediyay hadalo dardaaran iyo dhiiri gelin isugu jirta.

Wuxuu sheegay in ay shacabka reer Wajaale ay doorweyn ku leeyihiin xisbiga KULMIYE tan iyo wakhtigii la aasaasay xisbiga, isla-markaana ay soo saareen labadii madaxweyne ee xisbiga KULMIYE ee Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Sidoo kale, wuxuu xusay in shacabka reer Wajaale ay mar kale soo saari doonaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weliba xisbiga xaakimka KULMIYE.

Guddoomiye Cabdicasiis Samaale, ayaa wuxuu eedayn kulul u jeediyay Musharaxa xisbiga Waddani, isagoona sheegay in dhegta wax loogu sheego marka uu hadlayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here