Guddoomiye Qodax: “Machadka shaqaalaha dowladdu wuxuu gaadhay heer isku filnaansho ah”

0
513

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa si qoto dheer uga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray machadka shaqaalaha dowladdu.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda oo khudbad ka jeediyay xafladda qalin-jebinta machadka shaqaalaha dowladda oo maanta ka dhacday Hargeysa, ayaa sheegay in machadka shaqaalaha dowladdu uu gaadhay heer uu isku filnaado, isla-markaana uu soo saaro heerka derajada labaad ee jaamacadda.

Wuxuu sheegay in machadka shaqaalaha dowladdu uu soo saaray shaqaale u tabobaran inay qabtaan hawl socod siinta iyo hawl maalmeedka qaranka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in machadka ay ku fidiyeen gobollada bariga ee dalka oo ay xarunta labaad ee machadku tahay magaalada Burco, taasi oo uu xusay inay ku filan tahay gobollada bariga.

Wuxuu xusay in hay’adda shaqaalaha dowladdu ay machadka shaqaalaha ku kor joogteyso, sidii loo ilaalin lahaa tayada iyo siyaasadaha hiigsiga.

Machadka ayuu tilmaamay in tabobarada aqoonta ee uu bixiyo ay keentay in dhamaan shaqaalaha dowladdu ay ku uruursan yihiin derajooyinka A oo heer jaamacadeed ah.

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in ay ka hay’ad ahaan ay qorsheynayaan in machadku uu u gudbo heer jaamacadeed oo magaca laga bedelo, loona bixiyo Civil Service University.

Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu hor dhigay dalabka codsiga ee ah in machadka loo bedelo jaamacad.

Guddoomiyaha, ayaa waxaa uu sheegay in hay’adda shaqaalaha dowladdu ay dib u eegis ku samaynayso derajooyinka shaqaalaha dowladda, waxaana uu tilmaamay in sannadka 2025-ka derajooyinka shaqaalaha dowladda laga dhigayo 25 derajo, halkii uu markii hore ka ahaa 4 derajo.

Wuxuu sidoo kale soo bandhigay ujeedada dhabta ah ee keentay in dib loogu noqdo derajooyinka shaqaalaha dowladda.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Khaalid Jaamac Qodax, ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahadceliyey wakhti uu geliyay xeerka hawlgabka qaranka, gaar ahaan shaqaalaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here