Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Tababar u furay Ilaaliyeyaasha imtixaanka shahaadigga

0
615

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiye ku xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somaliland Xasan Qalinle, ayaa maanta tababar uga furay magaalada Hargeysa qaar ka mida ilaaliyeyaasha imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

Tababarkan oo soconaya hal maalin, ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Marood-jeex, Maamulka Jaamacada Hargeysa iyo qaar ka mida masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka.

Waxaana tababarkan ka qayb qaadanaya ilaaliyaal ka socda Macalimiinta Sadexda Jaamacadood ee Hargeysa ee ka qayb galaya ilaalinta Imtixaanaadka sanadkan.

Ujeedada tababarkan, ayaa la xidhiidha sidii ilaaliyeyaasha loo siin lahaa habraac dhamays tiran oo ku saabsan hanaanka ilaalinta imtixaanka iyo sidoo kale sida ay ula macaamilayaan xaaladaha goobaha ay ilaalinayaan.

Tababarkan, ayaa ka mida tababaro xafiiska imtixaanaadku maalmihii u danbeeyay ku qabtay dhamaanba gobolada dalka iyado xafiisku ahmiyad gaar ah siiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here