Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo burburinta xidhiidhka billowga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka.
Guddoomiye Faysal oo qoraal uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la yeeshay madaxda Wasaarada Difaaca Mareykanka, si uu uga hortago xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka ee bilowga ah.
Faysal Cali Waraabe, ayaa sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isna uu ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo kala qaybinta dadka reer Somaliland.
Hassan Sh. Mohamud oo ay ahayd
Inu shirka Q. Midoobay ka qayb galo. Waxuu la shiraya Wasarada Gashandhige Ee Marayakanka si u isu hortaago xidhidhka Uu Maraykanku la bilaabay Somaliland Ee Pentagon Ku Hogaaminayso
Halka Musa Bixi u Ku Hawlanyahay kala Qaybinta Dadka Somaliland— Faysal Ali Warabe (@FaisalAliWarabe) September 16, 2022