Guddoomiye Cirro Oo Dalka Lagu Soo Dhaweeyay iyo Aragtidiisa Xal U Helista Khilaafkii Shirguddoonka + SAWIRRO

0
1065

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha aqalka wakiillada Somaliland iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa galinkii hore ee Sabtida maanta lagu soo dhaweeyay madaarka caalamka ah Cigaal, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu Imaaraadka ugu maqnaa.

ciro oo dalka ku soo laabtay 2

Guddoomiyaha oo ay Hargeysa ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta xisbiga Waddani iyo mudaneyaasha golihiisa ayaa saxaafadda u sheegay in safarkiisu la xidhiidhay Arrimo caafimaad, shaqo iyo fasax uu halkaasi ku tagay.

 

Guddoomiyaha golaha wakiillada oo mar kale shacbiga ka raali galiyay feedhkii dhex maray isaga iyo kuxigeenkiisa Baashe, ayaa sheegay inuu cafiyay kuxigeenkiisa islamarkaana aanu wax xumaan ah u hayn, sidaasi darteedna uu goluhu dhammaysanayo arrimihiisa iyadoon cidi dhexdhexaadin.

ciro oo dalka ku soo laabtay 3

“ Waxaan shacbiga reer Somaliland Sidii Aan hore uga Raali galiyey aan iminkana ka  raali galinayaa arintii yarayd eea golaha ka dhacdey maadaama oo aan odeygii golaha ahay waxaanan idiin sheegayaa uun in hawshaasi ay tahay hawl uu golahu dhameysanaayo  aniga iyo gudoomiye ku xigeenka koowaadna hawshaas anaga ayaa dhameysaneyna gudoomiye ku xigeenkeygana wax dhib ah oo aan u hayaa ma jirto waan saamaxey waxii kale  ee dhimana anaga ayaa dhameysaneyna cid aanu u baahanahay in ay hawashaas soo faro galisaana ma jirto “ Ayuu yidhi Mr Cirro

ciro oo dalka ku soo laabtay

Guddoomiyaha wakiillada iyo Waddani ayaa dhanka kale ugu baaqay xukumadda inay bulshada reer Berbera ka dayso culays gaar ah oo ay saartay. Waxa uu sheegay inaan loo baahnayn in si gaar ah loo culaysiyo reer Berbera.

Bulshada Berbera ayaa baryahan dareen diidmo ah ka muujinaysay Wareejintii Laydhka dawladda, Dekedda Berbera iyo Haamaha shidaalka Berbera oo xukumaddu dad gaar ah ku wareejinayso.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here