Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland Ahmed Abdalla Digaale, ayaa Dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaanba Shucuubta Islaamka, dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ummadda reer Somaliland munaasibadda Ciida Soon-fur awgeed.
Guddoomiye Ahmed Abdalla Digaale, ayaa Dhammaan-ba Ummadda Islaamka, Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka reer Somaliland ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidda Ramadan.
“Kuli wa’antu bil khayr, waxaan halkan dhambaal hambalyo ah kula waddaagayayaa, dhammaan-ba Shucuubta Islaamka, Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Somaliland oo aan leeyahay ku Ciid Farxad iyo Barwaaqo, Ilaahay-na ha inagu Gaadhsiiyo Ciiddan, Ciiddeedda nabad qab iyo Barwaaqo.”ayuu yidhi Guddoomiyehu.
Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka Dimuqraadiyadda Shacabka Somaliland Ahmed Abdalla Digaale, ayaa geesta kale eebbe uga baryey Caalamka Islaamka oo dhan inuu ka aqbalo guddashadda Camaashii kala iyo khayrkii Bisha Barakaysan ee Ramadan ee aynu soo guddanay.
“Anigoo Idin la Qaybsannay Farxadda Munaasibadda Ciidda Soon-fur, Waxaan Ilaahay Uga Baryeyaa Dhammaan-ba Ummadda Islaamka inuu inaga aqbalo guddashadda Cimaabaddii, Camaashii iyo Khayrkii Bisha Barakaysan ee Ramadan ee aynu soo guddanay” ayuu yidhi Ahmed Abdalla Digaale.