Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed iyo Wefdi Uu Hoggaaminayay oo Guulo Kala Soo Noqday Boorama

0
1202

Boorama (Hargeisa Press)- Masuuliyiin iyo madax ka socota urur siyaasadeedka Horseed ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Wefdiga ururkan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan Dirawal, ayaa lagu soo dhaweeyay degaanka Goraya-cawl, ee duleedka magaalada Borama halkaasi oo dadweyne iyo taageerayaal ka tirsan ururku ay ku soo dhaweeyeen.

Maxamed Xasan Sheekh Muumin oo ka mida madaxda urur siyaasadeedka Horseed oo goobtaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ururka iyo madaxdiisaba ay ku soo dhaweynayaan xarunta gobolka Awdal ee Borama, oo taageero xoogan ay u hayso ururka Horseed.

Geesta kale Maxamed Caalin oo ku hadlayay Afka weftiga ayaa bulshaweynta reer Borama uga mahadceliyay soo dhaweynta soo dhaweynta qaaliga ah ee ay u sameeyeen, waxaanu intaas ku daray in gobolka aqoonta ay ka filayaeen sida diiran ee loogu soo dhaweeyay, isaga oo hoosta ka xariiqay in xafiisyo iyo laamo ururka loogu adeego ay ka furan doonaan.

Gaba-gabadii guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed, Cabdillaahi Xuseen Iimaan Dirawal, oo la hadlay kumayaalka dadweyne ee soo dhaweeyay ayaa sheegay in aqoon fiican uu u leeyahay, bulshada ku nool gobolka Awdal iyo degaanada hoos yimaada, isla markaana uu ka filayo marka ururadu tartamaan in kaalinta koowaad uu ka geli doono gobolkaasi, ururkana uu ka soo bixi doono, isaga oo intaas raaciyay in uu aad ugu mahad celinayo soo dhaweynta sharafta badan ee ay ku qaabileen waftigiisa.

Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa cidgal qurux badan loogu sameeyay guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed iyo waftigiisa, waxaana xaflad aan loo kala hadhin carruur iyo ciroole loogu qabtay Huteel Haldoor ee gudaha magaalada Borama, iyada oo bulshadii halkaasi ku kulantay ay urur siyaasadeedka Horseed si weyn u soo dhaweeyeen.

Guddoomiye Cabdillaahi Dirawal oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madashii cidgalka quruxda badan loogu sameeyay isaga iyo waftigiisa ayaa sheegay in Somaliland u baahan tahay saaxad ay bulshadu nabadgelyo kuwada noolaato, taasna waxa keeni kara ay tahay cadaalad.

Waxaanu yidhi.“Aad iyo aad ayaan idiin soo dhaweynaya sidii wanaagsaneyd ee aad noo soo dhaweyseen, Awdal waa meelaha aan ugu dad aqoonta badanahay, waxaanan aaminsanahay in codadka ugu badan aan ka helayo, khaasatan markaan eego dadka ururada furaya ama dadkan imika doonaya wax in aan ninkasta Awdal uga aqoon badanahay.

Waxaanu magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal aanu u nimid furitaanka xafiiska, balse imika iyo marar kala duwanba waanu iman doonaa, cidkastana waan la kulmi doonaa aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay in meelaha foodka ugu badan aan ka helayo ay tahay.

Markaan Borama imaado isuma haysto in aad imid meel aan qariib ku ahay, Somaliland, sodon sano ayay jirta walina waynu kala laaladnaa, Somaliland waxa ay u baahan tahay saaxad ay dadku nabad kuwada noolaadaan, oo aragtideedu ay midaysan tahay, taasina waxa keeni kara in cadaalad la helo, manaafacadka dawladnimo in bulshadu u sinaato, haddii la waayana sidaasi uunbaynu u kala laaladi doona ”.

Madax dhaqameedka gobolka Awdal ayaa si mug iyo miisaanleh u soo dhaweeyay urur siyaasadeedka Horseedka, iyaga oo sheegay in uu yahay ururkii koobaad ee loogu wanqalo gobolka Awdal iyo degaanada hoos yimaada.

Waxaaney yidhaahdeen. “Sida lagugu soo dhaweeyay gobolka Awdal sharaf gaar ahbay noo tahay, Somaliland markii ay wareersanayd Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, wuxuu Cabdillaahi Dirawal u magacaabay dib u dejinta, ninkii dadka dib u dejinayay markii qoriga iyo xabadaha la sitay ayay ahayd.

Waxaa reer Borama ahaan noo sharaf ah in ururkii ugu horreeyay ee Beesha dhexe ka soo jeeda ee loogu wanqalo gobolkan Awdal in uu yahay Horseed aad iyo aad ayaan ayaanu u soo dhaweynaynaa.

Maanta waxaan leeyahay waar Horseed gala, Cabdilaahi waxaan leeyahay xisbiga iyo bulshada si wanaagsan u dirawali, waanu soo dhaweynaynaa, diyaarbaanu ku nahay.

Cabdilaahi Dirawal waxyaabaha aan ku xasuusto waxa ka mida anigu reer Qulujeed ayaan ahay, madaafiicdii Dhargigu nagu soo ridayay ayaan magaalada uga qaxnay, Cabdillaahi Dirawal ayaa yimid oo madficii naga badbaadiyay dhab ahaantii, ku soo dhawow gobolka Awdal aniga oo matelaya degmada Qulujeed, dirawalkii dalkan hoggaaminayay in aad noqoto ayaanu rajjeynaynaa.

Gobollada kale waxa laga yaaba in aad tidhaahdo i doorta, balse haddii aanu nahay gobolka Awdal anaga ayaa ku dooranayna,”
Siyaasiyiinta gobolka Awdal ayaa hadalo duco iyo dardaaran iyo digarogasho isugu jira faraqa ugu guntay guddoomiye Cabdillaahi Dirawal.

Waxa ay sheegeen in ururka Horseed uu yahay mid u muuqdii kii Somaliland guul iyo horumar gaadhsiinlahaa.Waxaaney yidhaahdeen.“Waxaan kala dardaarmaya Cabdillaahiyow maanta kow ayaad ka bilowday waa lagula bilaabay, waa lagula halgamaya, waxa ku garab joogana waa rag, berri  kuwa hala mid noqon ayaan ku leeyahay, taasi waa iga dardaaran, mid labaadna waan kugu ducaynaynaa, haddii aad Borama ka bilowday waxkasta oo Borama laga bilaaba waa uu guulaystaa aad iyo aad ayaan idin hanbalyaynayaa.

Waxaan halkan ka shaacinaya ururka Cabdillaahi in aan ku tawalkalay, oo aan ku biiray ayaan halkan ka caddaynayaa, isaga ayaynu taageerayna, isaga ayaa inooga duwanaaan doona kuwii hore”.

Masuuliyiinta urur siyaasadeedka Horseed oo bulshaweynta gobolka Awdal la hadlay, ayaa sheegay in ururkani yahay mid ay bulshadu iskawada dhex arki doonto.

Waxaaney yidhaahdeen.“Bini’aadamku waxa uu leeyahay hindisaha balse wax noqoshada ILLAAHEYba leh, isaga ayaanu ka baryayna in uu noo suurageliyo hankayaga iyo hadafkayaga, si aanu mustaqbalka ururkani u hirgelino waxa naga go’an naf hurnimo ah in aanan idinka shaqeysan ee aanu idiin shaqeyno.
Aad iyo aad ayaan idinku mahadnaqaya sida wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen, waxaan idinka balanqaadaynaa, laga bilaabo maanta in aad nala leedihiin ururka oo fikir iyo aragti iyo go’aan, intaba ku leedihiin urur siyaasadeedka Horseed.
Nin astaamihii wax lagu raaci lahaa oo dhan wata weeyi, waanin rajo wanaagsan leh, Somaliland lawada leeyahay, oo korta oo cadaalad lagu hagilahaa ninkii hoggaanka u qabanlahaa weeyi”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here