Ceerigaabo: Guddiyadda Nabad-geliyadda iyo Madax Dhaqameedka Oo Tababar Loo Qabtay

0
273

Ceerigaabo (HP): Waxaa maanta magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag lagu soo gebagabeeyay tababar ku saabsanaa adkaynga nabad-geliyadda, iyo xalinta khilaafaadka.

Tababarkaasi qabashadiisa waxaa iska kaashaday wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, iyo jaamacadda Hargaysa, gaar ahaana machadka nabadda, iyo lafo-gurka khilaafaadka.

Waxaana tababarkani loo qabtay guddiyadda nabad-geliyadda degmadda Ceerigaabo, odayaasha dhaqanka, haweenka, iyo dhalinyaradda.

Tababarkaasi oo socday muddo lix maalmood ah waxaa xidhitaankiisii la soo qayb galay badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Guddoomiyaha Sanaag, oo hadal ka jeediayay xidhitaanka tababarkaasi ayaa sheegay in mudadii uu badhasaabka ka ahaa gobolka Sanaag in hawlo culus oo adkaa ay soo mareen, balse uu kaga gudbay isku duubnidda guddiga nabad-geliyadda Ceerigaabo.

DAAWO: Hadal jeedinta Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Adkaynta Nabad-gelyada:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here