Guddoomiyaha UCID Oo Ka Digay Maamul Goboleed Lagaga Dhawaaqo Laascaanood

0
334

Gabiley (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in 26-ka bishan June la qorsheeyay in maamul lagaga dhawaaqo magaaladda Laascaanood.

Waxaanu uga digay xukuumadda madaxweyne Biixi, in ay ka digtoonaato shir qoolkaasi la doonayo in lagu waxyeeleeyo qaranimadda Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in haddii ay tallaabadaasi dhacdo in lagu la xisaabtami doono xukuumadda Somaliland.

Taasoo uu sheegay in ay qayb ka noqonayso qorshihiu ay hore xukuumadda Somaliland magaaladda Laascaanood ugu ogolaatay in ciidamo hubaysan oo calanka Soonaaliya sitaa ay gudaha u soo galeen Laascaanood.


Guddoomiyaba xisbiga UCID waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta jeediyay kadub booqasho uu ku tegay degmooyin ka tirsan gobolka Gabiley.

Eng. Faysal, ayaa kormeerkiisa ku soo maray goobaha ay ka socoto qaadashadda kaadhka codbixinta ee degmadda Arabsiyo, ee gobolks Gabiley.


Sidoo kale guddoomiyaha UCID ayaa isla maanta booqday ardayda ku jira imxtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda waxbarashada Gabiley.

DAAWO: Kormeerka Guddoomiyaha UCIDI:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here