Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha gollaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa uu maanta beeniyey inuu iska casilayo xilka guddoomiyenimada oo maalmihii u dambeeyay wararku sheegayeen in uu xilkaasi iska casilayo.
Guddoomiyaha gollaha Guurtida, ayaa sidoo kale beeniyay in warqad is casilaad ah uu u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Waxaanu sheegay in haddii uu jagadaa bannayno uu u sheegayo Golaha u doortay Guddoomiyenimada Golaha Guurtida.
Guddoomiye Saleebaan, ayaa waxaa uu sidan ka sheegay fadhi ay saaka yeesheen Xildhibaanada golaha guurtidda Somaliland.