Guddoomiyaha Cusub Ee SOLJA Oo Xilka La Wareegay

0
516

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha cusub ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SOLJA ayaa maanta xilka kala wareegay guddoomiyihii hore.
Munaasibadda xil wareejinta ayaa ka qabsoontay xarunta ururka ee magaaladda Hargaysa.


Waxaana ka soo qayb galay la taliyaha madaxweyne Biixi ee arrimaha doorashooyinka, guddoomiyihii hore ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac(xuuto).
Xubno ka tirsan ururka SOLJA iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha cusub ee SOLJA Sekwriye Axmed Muxumed, oo hadal ka jeediyay xilka uu la wareegay ayaa tilmaamay inuu si cadaalad ah oo dhex dhexaad ah u shaqayn doono mudada uu xilka hayo.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here