Guddiga Wasiirrada Ee Dib U Habaynta-Shaqaalaha Dowladda oo Yeeshay Shirkoodii Saddex-biloodlaha

0
786

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa maanta ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Shirkii Saddex-biloodlaha ahaa ee Guddiga Wasiirrada ee dib u habaynta Shaqaalaha Dowladda.

Shirkaa waxa guddoominaayay Wasiirka Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland, waxaana ka soo qayb galay Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Caafimaadka, Qorshaynta Qaranka, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaagga.

Waxa iyaguna sidoo kele goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo saraakiil kele oo ka tirsan Hay’adda Shaqaalaha.

Shirka waxa si gaar ah loogaga dooday arrimo badan oo ay ka mid yihiin Qabyo-qoraalka Xeerka iyo siyaasadda hawl-gabka oo qabyo-qoraalkiisu soo dhamaaday, siyaasadda mushahar bixinta iyo qaabaynta darajooyinka shaqaalaha dowladda iyo arrimo kele.

Waxa sidoo kele guddiga warbixin laga siiyay waxyaalihii ka qabsoomay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dowladda saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.

Gebagebadii shirka waxa la isla qaatay in la dedejiyo dhamaystirka iyo ansixinta xeerka iyo siyaasadda hawl-gabka qaranka iyo in sidoo kele gacanta la isu qabsado sidii looga gudbi lahaa caqabaha jira loona dhisi lahaa nidaam adag oo lagu maamulo shaqaalaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here