Guddiga Qaban Qaabadda Xulka Kubbada Cagta Sool Oo La Magacaabay

0
368

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada iyo soo xulista xulka Kubadda cagta ee gobolkaasi.
Guddigan ayaa soo xulaya ciyaartooyga xulka gobolka Sool uga qayb geli doona tartanka ciyaaraha goboladda dalka Somaliland oo la qorsheeyay in ay qabsoomaan bisha soo socota.


Xubnahan guddiga ah ee uu badhasaabka Sool magacaabay ayaa ka kooban 11 xubnood.
Waxaanu badhasaabku faray in hawsha loo igmaday si dhakhso ah u bilaabaan, maadaama oo wakhtigu kooban yahay.
Waraaqda magacaabista badhasaabka Sool waxay u dhignayd sidan:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here