Guddiga Qaban-qaabadda Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Oo La Shaaciyay

0
1874

Hargaysa (HP): Xisbiga talladda Somaliland haya ee Kulmiye ayaa shaaciyay xubnaha guddiga qaban-qaabadda shirweynaha afraad ee xisbigaasi.

Xubnaha guddigaasi qaban-qaabadda ayaa ka kooban afar iyo toban xubnood.

Sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga ee Hargaysa.

Waxaanu tilmaamay in maalmahanba guddiga guddiga fulinta ee xisbigu ay shirar ka yeesheen arrintaasi.

Shirweynaha afraad ee xisbiga Kulmiye ayaa loo qorsheeyay in la qabto horaanta bisha June ee sanadkan.

Hagriesa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here