Roma (HP): Gebi ahaanba dalka Talyaaniga ayaa lagu soo rogay bandow qaran kadib markii xanuunka coronavirus uu si aad ah ugu faafay dalkaasi.
Karantiinada la geliyay guud ahaanba dalka ayaa looga gol leeyahay si loo xakameeyo fiditaanka xanuunka.
Dawladda Talyaaniga ayaa bandowgan ku tilmaantay tallaabo lagu xakamaynayo faafitaanka xanuunka coronavirus.
Isniintii shalay ayaa raโiisalw asaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte, waxa uu ku dhawaaqay in gebi ahaanba dalkoo dhan bandow la geliyo si loo xakameeyo fiditaanka xanuunka coronavirus.
โMa jiro wax la yidhaahdo khadka cagaaran. Laakiin, Talyaaniga oo dhan bandow ayaa lagu soo rogayโ ayuu weriyeyaasha u sheegay raโiisal wasaaraha Talyaaniga.
Safarrada muhiimka ah ee ay dadku dalka kaga baxayaan ayay dawladu sheegtay in si dhakhso ay waraaqaha bixitaanka u heli karaan.
Raโiisal wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte, oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, โDadka waa loo ogol yahay safarka haddii uu yahay mid muhiim ah ama lagama-maar-maan ah, sida shaqo, xaalad deg deg ah, ama mid caafimaadโ.
Tiradda guud ee dadweynaha dalka Talyaaniga ayaa lagu qiyaasaa 60 milinyan oo ruux.
Dhinaca kale hayโadda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay uu gaadhay saddex dal oo cusub.
Kaasoo cabsi weyn iyo argagax ku riday guud ahaanba dadka caalamka oo dhan.
Sidoo kale dhaqaalaha suuqyadda caalamka ayaa hoos u dhac weyni ku yimid. Waxaana gabaabsi ah wadamadda qaarkood cuntooyinka daruuriga ah.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.