Guddiga Komishanka Qaranka Oo La Filayo Inay Saaka Ku Dhawaaqaan Natiijada Doorashada Iyo Shacabka Somaliland Oo Aad Ugu Dhag Taagaya

0
1341

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddiga komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa xogo aan helaynaa waxay sheegayaan in la filayo in barqada maanta ay guddigu ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland.

Waxaana guddigu ay maanta kaga eeg tahay wakhtigii uu sharcigu farayay inay haysan karaan ku dhawaaqista natiijada doorashada,waxaana xoguhu tibaaxeen in ay maanta ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah ee doorashada.

Walow Xisbiga Waddani  Qaaddacay doorashadii Madaxtooyada ay wali taagan tahay xalka laga gaadhayna aan la shaacin cabashooyin uu tirsanayay xisbiga mucaaradka ee WADDANI oo ku saabsan tirinta codadka doorashada.

Shacabka Somaliland ayaa aad ugu dhag taagaya wakhtiga ay ku dhawaaqayaan guddiga doorashooyinku natiijada kama danbaysta ah ee doorashada madaxtooyada Somaliland isla markaana y shaacinayaan murrashax madaxwayne iyo ku xigeen ee ku guulaystay hogaaminta talada dalka Somaliland ee shanta sanno ee soo socota.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here