Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida xuska 18-ka May ee heer qaran, ayaa waxaa ay caawa ay bulshada reer Somaliland u jeediyeen dardaarankii u dambeeyay.
Guddida, ayaa waxaa ay ugu baaqeen dadweynaha inay iska xil saaraan oo ay la shaqeeyaan ciidammada nabadgelyada dalka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Axmedyaasiin Sh. Cali Ayaanle, ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddida munaasibadda 18ka May, ayaa sheegay in caawa 12ka habeenimo la joojin doono dhaqdhaqaaqa gaadiidka.
Wasiir Axmedyaasiin Sh. Cali Ayaanle, wuxuu dadweynaha u soo jeediyay inay nabad ugu soo baxaan xuska sannad guurada 34aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.
Waxaanu xusay in munaasibadan Somaliland ku xusi doonto wadajir ay caalamka ugu dirayaan fariin cad oo la xidhiidha lexjeclada ay u qabaan qaranimadooda qiimaha adag ku taagan.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo ka mid ah Guddidaas, ayaa shacbiga uga mahadceliyay diyaar-garowgii ballaadhnaa ee ay sameeyeen 17kii maalmood ee la soo dhaafay.
Waxaanu xusay in ay berina ugu soo baxaan si mug leh oo ay muuneeyaan sannadguurada 34aad ee dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.