Guddida Wakiilada U Qaabilsan Ilaalinta Hantida Qaranka Oo Wasiirka Macdanta Ka Xog-waraystay Dhakhliga Heshiisyada Shirkaddaha Shidaalka iyo Miisaaniyadda Wasaaradda

0
1012

wasiirka tamartaHargeysa, (HargeisaPress) — Guddida ilaalinta Hantida qaranka iyo Dabagalka Musuqmaasuqa u qaabilsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa xog-waraysi ku saabsan Miisaaniyadda Wasaaradda Macdanta iyo Lacagaha ka soo xarooda Heshiis-yada Shirkaddaha Shidaalka ay la gasho Xukumaddu la yeeshay Wasiirka Macdanta oo ay weheliyaan Masuuliyiinta kale ee Wasaaraddaasi.

Kulanka oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin ayaa markii uu dhamaaday waxaa warbaahinta xog kooban siiyay Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale, waxaanu sheegay inay u gudbiyeen xog dhamaystiran oo ku saabsan Dakhliga Wasaaradda Macdanta iyo tamarta.

“Runtii Guddida si fiican oo tafatiran ayaanu ugu waranay, waxay wax nagga waydiiyeen Dakhliga aanu dalka u soo hoynay iyo heshiisyada aanu Shirkadaha la galno oo aanu ugga waranay Afartii Sanno ee masuuliyadda aanu haynay in aanu dalka u soo xareynay lacag dhan Afar malyuun iyo badh Dollar kuwaasi oo ka soo xarooday Heshisyada Shirkada Shiidalka iyo Macdanta” ayuu yidhi Wasiirka Macdantu.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay uga warameen Miisaaniyadda Wasaaradda iyo sida ay u baxdo “waxa kale oo ay waxa nagga waydiiyeen miisaniyadda Wasaarada runtii dakhligga wasaaradu inta baddan waxa uu ku baxa mushaharaadka, laakiin Dakhliga Sanad laha ee wasaradu waxa afar iyo toban jeer ku soo limin laamaya lacagta ay wasaaradu soo xareyso, waxa kale oo aanu ugga waramay heshiiyada ay wasaaradu ku jirto nooca ay yihiin iyo sidda ay hawluhu u socdaan”.Ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.

Guddida Wakiilada ee ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa, ayaa mudooyinkii u dambeeyay kulamo isdaba joog ah la lahaa masuuliyiinta kala duwan ee Xukumadda, kuwaasi oo ku saabsan dhinaca Dhaqaalaha iyo sida ay u isticmaalaan. Guddida oo aan wali faahfaahin rasmi ah ka bixin waxyaabaha rasmiga ah ee ay xog waraysiyada ku ogaadeen ayaa la filayaa inay mar ka soo saaraan warbixin dhamaystiran.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here