Guddida Anshaxa Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Markale Digniin U Diray Saddexda Xisbi Qaran

0
1230

HARGEISA , (HargeisaPress) —Gudida anshaxa komishanka doorashoyinka qaranka Somaliland oo manta shir jaraa;id ku qabtay xafiiska komishanka ayaa waxa fariin digniin ah u direen xisbiyada qaranka ee WADAN, KULMIYE iyo UCID oo ay sheegeen inay Komeeradii wacyigalinta ahaa u galeen qaab olole kaambayn ah siyaasadeed ah.

 

Waxaana gudida anshaxa komishanku ay uga digeen xisbiyada qaranka inay sameeyaan olole siyaasadeed iyo wax kaste oo mijahabaabinaya hawlaha shaqo ee qaranka Somaliland gaar ahaana diiwaangalinta codbixiyayaasha ee ka socota gobolada dalka.

komis

Afhayeenka gudida anshaxa ee komishanka doorashooyinka qaran mudane Cabdiraxmaan Adan Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ugu digniin u diray saddexda xisbi waxaana uu yidhi isago arimahaa ka hadlay.

 

“Hadaanu nahay guddida anshaxa ee komishanka doorashooyinka qaranka meelna kagama jirto shuruucda doorashooyinka ee xeerka habdhaqanka xisbiyada ah inay xisbiyada qaranku olole doorasho u adeegsadaan diiwaangalinta dhexdeeda, waxaana hadana cadaatay in saddexda xisbi qaran ay olole ka baxsan awaamiirtii komishanka ka sameeyeen degmooyinka balligubadle iyo gabiley”Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aadan Maxamed.

 

Mudane Cabdiraxmaan Aadam Maxamed isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

kp

“Guddida anshaxu waxay uga digayaan xisbiyada qaranka inay sameeyaan olole siyaasadeed ee ay ka dhex wadaan diiwaangalinta oo majarahabaabin karta habsami u socodka hawlaha qaran ee diiwaangalinta codbixiyayaasha haday sii wadaana gudida komishanka qaranka ayaa talaabo ka qaadi doona ”Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka gudida anshaxa komishanka Mudane Cabdiraxmaan Aadan Maxamed.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here