Guddi Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Isu socodka Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Shir Yeeshay + SAWIRRO

0
1181

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudi uu dhawaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo) u Magcaabay, isu socodka labada Wadan ee Somaliya iyo Somaliland, ayaa maanta kulankoodii u horeeyay ka dhacay, Xafiiska Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani).

xog waran dul  3

Shirkan oo ay ka soo qayab galeen Wasiirada Wasaaradaha, ArimahaGudaha, Dib u Dajinta, Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Shirikadaha Diyaaradaha, iyo Arimaha Dibada, Shirka oo uu gudoominaayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Dr: Sacad Cali Shire, ayaa waxaa ka maqnaa Wasiirada Maaliyada, iyo Caafimaadka oo iyagu ka mid haa Gudiga, labadan Wasiir ayaa kulankaa uga baaqsaday hawlo shaqo oo Qaranka u hayeen, markii uu dhamaaday Shirkaasi ayaa waxaa ka war bixiyey, Wasiirka Duulista Hawada oo yidhi:-

 xog waran dul 2

 

“Waxaanu shir kulahayan maanta Wasaaradda Duulista iyo hawda, hadii aanu nahay Gudi uu dhawaan u Magcaabay , Madaxweynuhu isu socdaka Labada wadan ee Somaliya iyo Somaliland, shirkan oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Dr: Sacad Cali Shire, Wasiirkii Wasaaradda Dib u Dajinta Cali Siciid Raygal, Wasiirkii Wasaaradda Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade, uu joogo Wasiirka Caafimaadka Dr: Saleeban Xagla toosiye, iyo Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah gudigan ayaanay u suuro galin maanta in ay noo yimaadaan.”“ waxaanu ka wada hadalay sidii isu socodku u wanaagsanaan lahaa, haday Ganacsi tahay iyo haday socdaalada tahayba, Amaanka iyo Nabadgalyadana loo sugi lahaa, arintaa qodobo ayaanu ka soo gaadhnay, qodobadaasna waxaanu u gudbin doonaa, Madaxweynaha J/S/L Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilanyo).

xog waran dul  4

 

Shirkan Gudigii uu Magcaabay Madaxweynuhu si fiican ayuu ku dhamaaday, Wasiirka Gudoominayey iyo Wasiirada kaleba aad ayaan ugu mahad naqayaa, in laga hadlo isu socodka labada Wadan, waxaa keenay Nabadgalyada iyo duruufaha jira, waxaanu jecelahay in ay labadaas Dal noqdaan laba Dal oo kala madaxbanaan, oo isu socodkoodu fiican yahay, umadahooduna ay yihiin laba Shacab oo walaalo ah, Nabadgalyaduna ay noqoto mid la adkeeyo, oo aynu ahaano Somaliland iyo Somaliya xidhiidhkaasina sidaa uu ku koro.”

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here